22/08/2026
Ardayda Abaarso Tech University – Erigavo Ayaa Booqasho Aqoon-korodhsi ah ku Tegay Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Sanaag
Ardayda Kuliyadda Business, Public Administration and Social Studies ee Abaarso Tech University – Erigavo , gaar ahaan waaxyaha Accounting and Finance iyo Human Resource Management (HRM), ayaa booqasho aqoon-korodhsi ah ku tegay Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Waaxda Canshuuraha Beriga.
Booqashadan ayaa qayb ka ahayd tababarka Public Finance and Budget Implementation, waxaana ujeeddadeedu ahayd in ardaydu ay si toos ah u fahmaan hababka loo maareeyo maaliyadda guud, dakhliga dowladda, canshuuraha iyo hirgelinta miisaaniyadda.
Ardayda waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Maamulaha Canshuuraha Beriga, Maxamed Xuseen Nuur, kaas oo ardayda la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo xog muhiim ah oo ku saabsan shaqada Waaxda Canshuuraha iyo maamulka dakhliga dowladda.
Intii ay booqashada ku jireen, ardaydu waxay wax ka barteen:
* Habka canshuuraha loo ururiyo.
* Maamulka dakhliga dowladda.
* Nidaamka maaliyadeed iyo hirgelinta miisaaniyadda.
* Kaalinta canshuuruhu ku leeyihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.
* Xiriirka ka dhexeeya maamulka maaliyadda, dakhliga dowladda iyo maamulka shaqaalaha.
Sidoo kale, ardaydu waxay fursad u heleen inay su’aalo weydiiyaan Maamulaha Canshuuraha Beriga, iyagoo ka helay jawaabo iyo tusaalooyin la xiriira shaqada dhabta ah ee Waaxda Canshuuraha.
Booqashadani waxay ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah tababarka Public Finance and Budget Implementation, waxayna ardayda siisay fursad ay ku xiriiriyaan aqoonta ay fasalka ku bartaan iyo habka ay aqoontaas uga shaqeyso hay’adaha dowladda.
Ardayda Accounting and Finance iyo HRM waxay si gaar ah uga faa’iidaysteen khibraddan, maadaama ay ka caawisay inay si wanaagsan u fahmaan xiriirka ka dhexeeya maamulka maaliyadda, dakhliga dowladda, maamulka shaqaalaha iyo hirgelinta miisaaniyadda.
Ugu dambayn, Abaarso Tech University – Erigavo Campus waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa Maamulaha Canshuuraha Beriga, Maxamed Xuseen Nuur, sida wanaagsan ee uu ardayda u qaabilay iyo aqoonta iyo waayo-aragnimada qiimaha leh ee uu la wadaagay.
Booqashadani waxay qayb ka tahay dadaallada Jaamacadda Abaarso Tech University ay ku xoojinayso waxbarashada ardayda, iyadoo la isku darayo aqoonta fasalka iyo khibradda goobta shaqada, si ardaydu u helaan aqoon la taaban karo oo u diyaargarowda mustaqbalkooda shaqo.