07/08/2026
📢 OGEYSIIS MUHIIM AH
Bulshada Magaalada Godey iyo Nawaaxigeeda
Cusbitaalka SHABEELE wuxuu si farxad leh ugu wargelinayaa dhammaan bulshada in uu idiin keenay dhakhaatiir ku takhasusay cudurrada Dhagaha, Sanka iyo Dhuunta (ENT) iyo Qalliinka Qurxinta iyo Dib-u-dhiska Wajiga, kuwaas oo ka yimid Addis Ababa.
Dhakhaatiirtani waxay qaban doonaan olole caafimaad oo qalliin lagu daweynayo bukaannada qaba cudurrada ENT iyo kuwa u baahan qalliinka dib-u-dhiska iyo qurxinta wajiga.
Adeegyada la bixinayo waxaa ka mid ah:
Qalliinnada cudurrada Dhagaha, Sanka iyo Dhuunta (ENT).
Qalliinka Qumanka (Tonsils) iyo Adenoids.
Qalliinka burooyinka iyo xannibaadaha sanka.
Qalliinka Faruuryaha dillaacsan (Cleft Lip).
Qalliinka Saqafka afka dillaacsan (Cleft Palate).
Dib-u-dhiska iyo qurxinta lafaha wajiga.
Baaritaan, la-talin iyo qiimeyn caafimaad oo loogu talagalay bukaannada u baahan qalliin.
Diiwaangelinta
Dhammaan bukaannada qaba dhibaatooyinkan waxaa lagu wargelinayaa inay iska diiwaangeliyaan Cusbitaalka SHABEELE si ay uga faa'iidaystaan ololahan caafimaad.
đź—“ Muddada Diiwaangelinta:
7 Agoosto 2026 – 13 Agoosto 2026
Ha seegin fursaddan muhiimka ah ee lagu helayo adeegyo qalliin oo ay fulinayaan dhakhaatiir takhasus leh oo ka yimid Addis Ababa.
Cusbitaalka SHABEELE
Caafimaadkaagu waa mudnaantayada.