19/10/2026
𝐗𝐢𝐥_𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐧
XIL-WAREEJINTA WASIIR KU-XIGEENNADA XAFIISKA HORUMARINTA WARAABKA DDS
*********************
Wasiir Ku-xigeenkii h**e ee Xafiiska Horumarinta Waraabka Dawlad-Deegaanka Soomaalida (DDS), Mudane Cali Badal Muxumed, oo loo magacaabay Wasiirka ku Xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Xafiiska, Mudane Cabdirisaaq Sheekh Cabdiraxmaan Sayid.
xil-wareejinta ayaa ahayd mid si rasmi ah loogu kala wareegay masuuliyadda shaqo, iyadoo ay muhiimad gaar ah u leedahay sii wadidda hawlaha shaqo, xoojinta hannaanka maamulka iyo dardargelinta qorshayaasha horumarinta waraabka ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida.
Mudane Cali Badal Muxumed, oo h**e uga soo shaqeeyay hoggaaminta iyo hawlaha horumarinta waraabka, ayaa xilka ku wareejiyay masuulka cusub, Mudane Cabdirisaaq Sheekh Cabdiraxmaan Sayid, kaas oo la filayo inuu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha waraabka, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha cuntada.
Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS ayaa uga mahadcelinaya Mudane Cali Badal Muxumed doorkii iyo masuuliyaddii uu ka soo qaatay hawlaha xafiiska, isaga oo u rajaynaya guul iyo horumar masuuliyadaha cusub ee loo igmaday.
Sidoo kale, Xafiisku waxa uu Mudane Cabdirisaaq Sheekh Cabdiraxmaan Sayid u rajaynayaa guul iyo masuuliyad gudasho hufan, si loo sii xoojiyo qorshayaasha iyo barnaamijyada horumarinta waraabka ee deegaanka.