Hargeysa Today

Hargeysa Today Hargeisa Today Kala Soco Warar iyo Muuqaallo Cusub Hargeysa Today kala soco muuqaallo Xiiso Leh
(5)

Qabsoomidda Shirwaynaha Hay’adaha Garsoorka JSL Oo La muddeeyeyHargeysa (HT)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ahna Gudoomiyah...
10/06/2026

Qabsoomidda Shirwaynaha Hay’adaha Garsoorka JSL Oo La muddeeyey

Hargeysa (HT)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ahna Gudoomiyaha Guddida Caddaalada JSL, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa maanta shaaciyey wakhtiga la qabanayo shirweynaha Garsoorka Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ku taariikheysan maanta, ayaa u qornaa sidan:

"Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ahna Gudoomiyaha Guddida Caddaalada JSL;

Markuu arkay:- Shirwaynihii Caddaalada ee qabsoomay taariikhdu markay ahayd 02/12/2025 - 3/12/2025 ujeedadiisuna ahayd horumarinta hay’adaha caddaalada, la islana qaatay in Shirweynihii Garsoorkana la qabto.

Markuu arkay:- wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha ee ku taariikhaysan 03/02/2026 ujeedadeeduna tahay dhaqan galinta qorshaha dib u habaynta hay’adaha bahda caddaalada 2026-2029.

Markuu arkay:- qodobka 99 ee dastuurka JSL oo sheegaya in dhismaha hay’adaha garsoorku ka kooban tahay maxakamadaha iyo xafiisyada xeerilaalinta una madaxbanaan yihiin hawshooda garsoor iyaga oo raacaya xeerarka oo kaliya.

Markuu arkay:- in loo baahan yahay shaacinta isla markaana ay lagama maarmaan tahay qabashada shirwaynaha hay’ada garsoorka JSL.

Markuu arkay:- shirkii ay galeen madaxda hay’adaha garsoorku layskuna qaatay in la qabto shirwaynaha hay’ada garsoorka, lana soo magacaabo guddida qaban qaabada shirwayanaha hay’ada garsoorka.

Markuu la Tashaday:- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL.

Markuu la Tashaday:- Madaxweynaha JSL.

Markuu ku qancay:- dhamaan asbaabaha sare ku xusan.

Gudoomiyaha maxkamada sare ahna gudoomiyaha guddida caddaaladu wuxuu soo saaray go’aankan hoos ku xusan

1. Shaacinta qabsoomida Shirwaynaha Hay’ada Garsoorka in la qabto taariikhdu markay tahay 28/06/2026-29/06/2026.
2. In mudada shirwaynaha Hay’adda Garsoorku soconayo ay tahay mudo laba cisho ah.
3. In mudo saddex cisho gudohood lagu soo magacaabi doono guddida qaban qaabada shirwaynaha hay’ada garsoorka.
4. Waxaa la farayaa Guddida qabanqaabada in qabsoomida shirweynaha Hay’adda Garsoorka in ay uga shaqeeyaan sida ugu hufan una haboon.
5. Waxa la farayaa dhaman madaxda garsoorka (Maxkamadaha iyo Xeerilaalinta) gobolada in loo diyaar garoobo Shirweynaha Garsoorka.

ALLAA MAHAD LEH

Adam Xaaji Cali Axmed

GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE,

AHNA GUDOOMIYAHA GUDDIDA CADDAALADA JSL.

10/06/2026

Dahabshiil Oo Abaalmarin Caalami ah lagu Maamuusay

"Shirkadda Dahabshiil ayaa ku guuleysatay abaalmarin heer sare ah oo lagu aqoonsaday doorkeeda hoggaamineed ee hal-abuurka, iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadato adeegyada maaliyadeed ee caalamka."Sidaa waxa lagu sheegay warkan oo ka soo baxay shirkadda.

Warku waxa uu intaas ku daray in Abaalmarintan oo lagu guddoonsiiyay dalka Maraykanka ay markhaati u tahay kalsoonida iyo sumcadda ay Dahabshiil ku kasbatay bulshada ay u adeegto.

09/06/2026

Siyaasi Farta Ku Fiiqay Fool-xumadii Sheekh Ka Dhacday iyo Fashilka Xukuumadda Somaliland

09/06/2026

Fool-xumadii Sheekh Ka Dhacday iyo Fashilka Xukuumadda Somaliland Oo Farta Lagu Fiiqay

09/06/2026

🏆⚽ Somtel La Saadaali Koobka Adduunka, Kuna Guulayso Abaal-marino Lacageed oo Dhan $10,000! 💰

📲 Waxa kaaga xiga oo keliya inaad soo degsato Somtel SuperApp oo aad ka dhex bilowdo saadaashada:
https://links.mysomtel.com

03/06/2026

Madax Dhaqameedka Awdal Oo Hargeysa Ku Soo Bandhigay Garnaqsi Culus

02/06/2026

Xogta Heshiiskii Soomaali Lagu Khiyaanay ee Guusha Halgankii SNM Soo Dadejiyey

01/06/2026

Garnaqsigii Ugu Adkaa Oo Loo Diray Culimada ICTISAAM!

01/06/2026

Muuse Biixi iyo Ibraahim Dhegaweyne Oo Farriin Culus Diray

31/05/2026

Somaliland & ICTISAAM: Boqorkii Xukunka Riday ee Kitaabka Cas Ku Badbaadiyey Wiilkiisa

Address

Hounslow
London

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeysa Today posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hargeysa Today:

Share