Bandiraley news

Bandiraley news Ahmed

Khawaarij galabtey waxbaa ku dhacey10 gaari dagal baa laga gubey in ka badan 100 khawaarij ah naftaa la dhaafiyey allaah...
16/07/2023

Khawaarij galabtey waxbaa ku dhacey
10 gaari dagal baa laga gubey in ka badan 100 khawaarij ah naftaa la dhaafiyey allaahu akbar

30/10/2021
Ciidamada Tigray ayaa sheegay inay Ciidamo badan oo katirsan Ciidamada Dawlada ku qabteen Dagaaladii maal'mihii udanbeey...
27/10/2021

Ciidamada Tigray ayaa sheegay inay Ciidamo badan oo katirsan Ciidamada Dawlada ku qabteen Dagaaladii maal'mihii udanbeeyay ka socday Degaamada haraha iyo kutaber.

Xoogaga Tigray ayaa Soo Bandhigay Sawiro Muujinaya Ciidamo badan oo Maxaabis ah' oo Xidhan Dirayska Milatariga Ethiopia.

Dawlada dhexe Ethiopia inta badan k**a hadasho Shegashoyinka Tigray.

26/10/2021

Caawa iyo Xaaladda degmadda Guriceel.

Ma jirin wax dagaal ah oo maanta dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlusunna, waxa ayna kala joogaan halkii xalay ku kala sugnaayeen.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa lagu arkay duuleedka Waqooyi ee Magaaladda kuwaa oo xogtu sheegeyso in ay xireen wadooyinka soo galla Guriceel oo ay aaminsanyihiin in Gurmadka iyo Saadka usoo maro Ciidanka Ahlusunna.

Ciidanka Ahlusunna ayaa ku sugan Jaamacadda, Ceel Abshir, Aagga Istarliin, Waqooyiga Tuullo Gaban dhanka wadada Gowd Wiil ilaa Ceel cantoobo.

Ciidamadda Dowladda ayaa ku sugan Saldhigga Booliska, Guriga degmadda Beder 1 iyo 2, Shimbiro oonshe ilaa Ceel Cali Faarax.

Adeegga Korontada iyo Biyaha ayaa soo laabtay meelaha qaar ee magaaladda waxay dadku fursad u heleen adeegyadaas oo muddo 3 maalmood ah magaaladda ka maqnaa, waxaana ka faa'iideysanaya dad kooban oo dhalinyarro u badan kuwaa oo xaafaddaha ku go'doomiyay dagaalka.

Ma jiraan wadahadallo si rasmi ah loo xaqiijiyay oo ka dhex socda Dowladda iyo Ahlusunna marka laga reebo in Bulshaddu hadal heyso in Ganacsato ku heyb ah Shiikh Shaakir ay isku dayo wadaan.

Si aad ula socotid Wararka rasmiga ee xaaladda Guriceel like saar oo follow dheh Pageka Radio Galgaduud iyo Galgaduud Tv.

Xaalka Dhabta ah Ee Guraceel.  Kooxda Hubeysan Ahlusunna Ayaa difaaca Dhulka ah Sameysatey.
26/10/2021

Xaalka Dhabta ah Ee Guraceel. Kooxda Hubeysan Ahlusunna Ayaa difaaca Dhulka ah Sameysatey.

26/10/2021

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo fahamka federaalka.

26/10/2021

Saraakiil tababar loogu soo gebagabeeyay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

26/10/2021

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isagoo warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda.

26/10/2021

: Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ku xanuunsanaya magaaladda Xamar.

Cumar ayaa kari waayey (awooddi waayey) inuu tago xaafiiska shaqada Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, dhakhaatiir ajnabi iyo Soomaali isugu jirta ayaa hadda ku daaweeya oo xaaladdiisa Caafimaad kula tacaalaya gurigiisa Muqdisho.

Saraakiil caafimaad oo aan la hadlay ayaa iixaqiijiyey in Cumar Filish ka xanuunsanayo beerka, hadda kahor-na looga daaweeyey Turkey.

Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda laga dayrinayaa. Shaqaalaha xaafiiska Cumar Filish ayaa iyaguna sheegay in guddoomiyuhu waayahan la daalaa dhacayey xanuunka ugu dambeyn socodka u diiday.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka i...
26/10/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga ayaa faray in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Address

London
Melville

Telephone

+27743224411

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bandiraley news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share