Osman Ozzy

Osman Ozzy Tik Tok

11/29/2025

10/02/2025

Macalinkan kawarama Asxaabey

09/12/2025

Prtr 2

08/15/2025

Subxaanallh

08/08/2025

Jeeesow waa musiibo Caadiya

08/08/2025

Yasiin Fareey " Balantii waa uu iigaga baxay Madaxweyne Xasan Sheikh".

Xafiiska Qaramada ee Soomaaliya ayaa qoraal maanta kasoo baxay waxaa lagu yidhi; "Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliy...
02/08/2021

Xafiiska Qaramada ee Soomaaliya ayaa qoraal maanta kasoo baxay waxaa lagu yidhi; "Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan."

Akhriso Warsaxaafaddeedka UNSOM kasoo baxay;

"Saaxiibada beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.



* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Indonesia, Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Dagaal socdey mudo kooban ayaa Duleedka Koonfureed ee Dhuusamareeb ku dhex marey Ciidamada Xoogga Dalka iyo kooxda Al-sh...
02/04/2021

Dagaal socdey mudo kooban ayaa Duleedka Koonfureed ee Dhuusamareeb ku dhex marey Ciidamada Xoogga Dalka iyo kooxda Al-shabaab, Waxaana la maqlayay daqiiqado kooban jugta qoryaha culus ee la isku adeegsanayay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa xaqiijiyay in weerarkan oo Alshabaab ay qorsgeynayeen in ay ku beegsadaan Xerada Ciidamada GorGor ay ka hortageen Ciidamo loo qorsheeyay oo wadada u galey kooxda weerarka soo qaadey, kuwaa oo dagaal culus uu dhex marey mudo daqiiqado ah iyaga iyo Ciidamada.

Qoriga Sabanka ee la isku adeegsadey intii uu socdey iska hor imaadkan ayaa markale dadka Dhuusamareeb jooga caawa dib u xasuusiyay baqdintii laga qaadey duqeyntii labo cisho kahor ay Alshabaab ka geysteen xaafado ka tirsan Magaalada, walow aysan jirin hoobiyayaal soo gaarey Guddaha Magaalada

01/27/2021

WAR-MURTIYEED WADAJIR AH: DOWLADAHA PUNTLAND IYO JUBBALAND EE XUBNAHA KA AH DOWLADDA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYA.

January 27, 2021

Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka.

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubnaha ka qaybgalaya Guddiga doorashada ee Dowladda dhexe (FIEIT), halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah qaarkood soo magacaabeen guddiyada maamulka doorashada ee heer Dowlad Goboleed (SIEIT).

Magacaabista Xubnaha Guddiga Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen ayaa hareer marsanaa habraacyadii lagu heshiiyey ee magacaabista iyo maamulka guddiyada doorashada. Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale wadatashi la’aan ku magacawday Guddiga Maamulka doorashada kuraasta Somaliland iyo in Dowladdu khal khal amni ka abuurtay sidii doorasho uga qabsoomi lahayd Gobolka Gedo. Arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf sababay in uu dib u dhaco fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Magaalada Mogadishu.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dareen ka muujiyeen qodobada abuuray khilaafka ee hareeyey fulinta heshiiskii 17 September 2020 iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dib u dhigeen magacaabista guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubbaland inta laga wada hadlayo arrimaha laysku khilaafsan yahay.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay James Swan ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xalin lahaa khilaafka jira iyo in Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada si ay qayb uga noqoto qabsoomidda shir wadatashi oo si guud loogu xaliyo dhamaan qodobada lagu muransan yahay.

Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayagoo tixgalinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka doorashada ee SIEIT. Haseyeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka cago jiidayso qabsoomidda shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomidda doorashada Dalka.

Haddaba, waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba la socodsiinaynaa in Puntland iyo Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay Dalka uga dhici lahayd si ay u abuurto daganaansho siyaasadeed oo horay u sii wada hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaado Magaalada Mogadishu 30ka January 2021 si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan in Dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasilooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 ayadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doorashada.

DHAMMAAD

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortagtay damac ay dawlada Kenya ay doonaysay inay maamusho qaybo kamid ah dal...
01/25/2021

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortagtay damac ay dawlada Kenya ay doonaysay inay maamusho qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.

""Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyuo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada.""

Address

North Wilkesboro, NC

Telephone

+252661460034

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Osman Ozzy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Osman Ozzy:

Share

Category