21/08/2026
Guddoomiyaha Degmada Firlibaax ee Gobolka Hiiraan, Ahmed Aadan Hassan, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, kaddib markii uu soo dhammeystay safar shaqo oo uu muddooyinkii lasoo dhaafay ku maqnaa magaalada Muqdisho
Soo dhaweynta Guddoomiyaha waxaa ka qeyb galay Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Firlibaax, Moahmed Salaad Shiiq, saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee amniga, waxgarad iyo dhalinyaro ka tirsan bulshada degmada. Mas’uuliyiinta iyo bulshada ayaa Guddoomiyaha ku qaabilay soo dhaweyn diiran, iyagoo uga mahadceliyay howlihii uu muddadii uu safarka ku maqnaa u soo qabtay degmada
Guddoomiye Ahmed Aadan Hassan ayaa safarkiisa shaqo ee Muqdisho kadib maanta Beledweyne kula soo laabtay agabka la xiriira howlaha doorashada, gaar ahaan sanduuqyada iyo agabka Guddiga Doorashooyinka ee loogu talagalay in lagu sii ambaqaado diyaar-garowga doorashada qof iyo cod
Arrintan ayaa muhiimad gaar ah u leh bulshada reer Firlibaax, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay codsiyo u gudbinayay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka dalbanayay in degmada la gaarsiiyo agabka iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah ka qeybgalka doorashada qof iyo cod
Bulshada Degmada Firlibaax ayaa horay uga codsatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in degmada la gaarsiiyo agabka doorashada, si shacabka deegaanka ay u helaan fursad ay uga qeyb qaataan geeddi-socodka doorashada, isla markaana ay codkooda si toos ah ugu dhiibtaan qofka ay dooranayaan
Dadaal iyo shaqo socotay muddo kadib, maanta waxaa magaalada Beledweyne laga soo dejiyay agabkii doorashada, iyadoo la filayo in loo sii gudbiyo goobaha loogu talagalay marka la gaaro waqtiga iyo habraacyada rasmiga ah
Soo dhaweynta Guddoomiyaha iyo imaanshaha agabka doorashada ayaa bulshada Firlibaax u ah dhacdo muhiim ah, xilli dalka uu ku jiro diyaar-garow iyo dood ballaaran oo ku saabsan hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan mar kale sheegay in dalka loo baahan yahay in loo gudbo doorasho qof iyo cod ah
Guddoomiyaha Ahmed Aadan Hassan ayaa la filayaa inuu degmada dib ugu laabto, halkaas oo uu ka sii ambaqaadi doono howlaha maamulka iyo wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso, si bulshada degmada loogu diyaariyo tallaabooyinka xiga ee la xiriira arrimaha doorashada iyo adeegyada bulshada
Bulshada reer Firlibaax ayaa iyaguna muujisay sida ay u daneynayaan in degmada ay si buuxda uga qeyb qaadato geeddi-socodka doorashada, iyadoo laga rajeynayo in wada-shaqeynta maamulka, guddiyada ay khuseyso iyo shacabka ay horseedi doonto in howlaha loo fuliyo si nidaamsan, nabad ah oo hufan