23/02/2019
DADAAL BES AH MIYAA LAGU KALA HORMARAA?
✔ Labo wiil oo saaxibo ah oo la kala yiraahdo Yaxye iyo Asad, ayaa marka ay jaamacadda ka qalin jabiyeen geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen in ay shaqo fiican helaan si ay noloshooda u horumariyaan.
✔ Ugu dambeyn, waxaa labadoodiba laga shaqo siiyay shirkad weyn. Labadoodiba dadaal badan bay muujiyeen, oo si daacad ah ayay shaqadooda u qabsadeen.
✔ Seddax sano kaddib, agaasimaha wuxuu dallacsiiyay Yaxye. Hase yeeshe, Asad booskiisa ma uu dhaafin oo lama dallacsiin. Asad go’aankan wuu qaadan waayay oo kuma farxin.
✔ Sida darteedna waxaa uu u tagay agaasimaha waxaana uu u sheegay in uu asaga aad u dadaalo uuna si daacad ah u shaqeeyo.
✔ Waxaa uu weydiiyay agaasimaha sababt Yaxye loo dallacsiiyay asna uu booskiisa weli taagan yahay.
✔ Agaasimaha waa uu la socdaa in Asad uu aad u dadaal badan yahay, balse si uu u fahansiiyo una muujiyo waxa ay ku kala duwan yihiin asaga iyo Yaxye, waxaa uu ku yiri, “Orod oo suuqa tag, waxaad soo ogaata cidda suuqa ku iibisa qaraha.”
✔ Asad waa uu orday, suuqa ayuu indha-indheeyay kaddib agaasimaha ayuu ku soo laabtay. Agaasimaha ayaa su’aalay, “Halka kiilo waa imisaa?”
Asad suuqa ayuu mar kale ku laabtay si uu usoo ogaado qiimaha halka kiilo ee qaraha. Marki uu dib u soo laabtay wuxuu yiri, “Kiilaha waa 12 doolar.”
✔ Agaasimaha waxaa uu kaddib u wacay Yaxye, isla wixi uu u diray Asad ayuu Yaxyena u diray inuu soo ogaado. Yaxye suuqa ayuu tagay, marka uu soo laabtay waxaa uu yiri; “Xilligan la joogo hal qof kaliya ayaa qare suuqa ku iibiya.
✔ Halka kiilo waxaa uu siiyaa 12 doolar, 10 kiilana waxaa uu siinaya 100 doolar. Iminkan waxaa u yaala 340 xabo oo qare ah. Miiska waxaa u saaran 48 xabo, midkiba waa 15 kiilo. Qarahan labo maalmood ka hor ayaa laga keenay beeraha, waa fresh (cusubyihiin) waana ay fiican yihiin.”
✔ Asad aad ayuu ula dhacay sida uu saaxiibkiis Yaxye wax u kala saaray, waxaana uu ogaaday farqiga u dhaxeeya labadooda. Waxaa uu fahmay in loo baahan yahay in uu wax badan ka barto saaxiibkiis.
✔ Sidaad sheekadan ku aragteenba, dadka guuleystay waa dad fiiro-dher leh. Meel dheer ayay wax ka eegaan, halka inta badan dadka ay meel gaaban wax ka eegaan.
✔ Adiga maxaad ka fahantay misna ka baratay sheekadan?
Ibrahim cade