28/05/2024
Shirkii carta
May 2, 2000 - Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah.
Aug 13, 2000 - Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed.
Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan, ra'iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr.
June 5, 2001 - Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.
May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka South Africa.
Cigaal waxa uu noqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya xilligii c/rashiid. [Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002].
Oct 15, 2002 - Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
Sept 15, 2003 - Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii h**e ee kumeel gaarka ahayd.
Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah Aug 2004 - Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275- xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5. Oct 10, 2004 - Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay Itoobiya taageersan tahay, waxa ay u doorteen madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.
Nov 3, 2004 - Madaxweynaha DFKMG ayaa ra'iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi.
Dec 1, 2004 - Ra'iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir.
Jan 31, 2005 - Waxaa magaalada Muqdisho ay dabley hubaysani toogasho ku dileen sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Hersi Cumar Dhorre, taas oo loo macneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub DFKMG. Feb 9, 2005 - Cusmaan Cali Caato (oo ay hay'adda Reuters ku tilmaantay: Qabqablaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga ay ka dhaxayso Soomaaliya. Feb 24, 2005 - Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu h**eysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar.
Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.
March 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa kulan uu Nairobi kula yeeshay baarlamaanka DFKMG kaga dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda wadamada safka h**e, kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka h**e in la geeyo soomaaliya, waxana soo xaadiray xildhibaano gaarayay 217 Waxaa diiday safka h**e 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka h**e 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen, sidaas ayaana lagu ansaxiyay in baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la ah soomaaliya Kaddib waxaa baarlamaanka ka dhacay dagaal feer iyo gacan iyo laad la isla dhacay, kuraasna la isu adeegsaday, qayb xildhibaanada ka mid ah ayaana halkaas dhiig lagaga daadiyey.
April 29, 2005 - Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi, ayaa markii ugu h**eysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uu u xalliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladdu degi doonto iyo arrimha la axiriira ciidamada nabad ilaalinta. May 3, 2005 - Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra'iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.
May 11, 2005 - Xildhibaano tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladdu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) (iyo carab) la geeyo Soomaaliya .
Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan.
Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa.
May 12, 2005 - Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono.
Waxaa si cad u soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo.
May 13, 2005 - Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi.
Ciidamadaas waxaa habeenimadii Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka.
Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan.
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go'aankaasi dhacayey ku sugnaa AddisAbaba ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno, isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra'iisul wasaraha Itoobiya in Muqdisho ay joogaan waxa uu ugu yeeray "Argaggixiso" eedayntaas oo caado u ah Zenawi oo aan marna xusin qadiyadda dhabta ah ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ah: Dhul & Dad ay gumeysato Itoobiya.
Jun 13, 2005 - Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnayd 9 bilood. MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad sagootin ah waxa uu u jeediyey reer Kenya.
halkaas oo ay dawladda Soomaaliya ku sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004).
Waxaa halkaas kusii sagootiyey madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan "State house" waxaa goob joog ka ahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG.
Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra'uusul wasaaruhuna jawhar, baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiirradu waxay u safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.
June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman.
Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu sarraysa DFKMG waxay yemen kadhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax, halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba. June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo dirayo Soomaaliya.
Sidaas waxaa lagu go'aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu go'aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya. Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho.
Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casuumay dalkiisa. January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu h**eysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey magaalada Nairobi ee dalka Kenya February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi.
Waxana ay kawada hadleen kulanka barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.
February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada". February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horreysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowladda ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga, k**a ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu, si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka "Argaggixisada." March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka "Argaggixisada", dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in badana guryahoodii ayey ka qaxeen.
April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka "Argaggixisad" ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.
May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqablayaasha dagaalka.
May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.
June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka.
June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxaana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka "Argagixisada." June4, 2006: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii la baxay la dagaalanka "Argaggixisada, wasiirada xilka laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista - waxaana wasiirradaas laga saaray Golaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.
June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu maalintaas yiru "Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha.
Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalno qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyna dadweynaha."
June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqablayaasha dagaalka.
Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri "Waxaan idin wadnaa Kitaabka..."
June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegay in codbixin la qaaday, waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.
June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.
June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.
June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey "Somalia Contact Group". Waxaana goobjoog ka ahaa UN iyo AU.
Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa oo xilligaas xilka hayey, ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.
June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka.
shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim.
Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: (1) In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari iyo xagga saxaafadda.
(2) Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado.
(3) in la furo maxk**ad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime Trial).
(4) Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawridda wadajirka Dhulka Soomaaliya.
(5) In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii qaranka, dib u dejin iyo horumarin.
June 24, 2006: Kulan aad u ballsaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah:
Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo Golaha Shuurada Soomaaliyeed(ama golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed). Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh C/qaadir Cali Cumar.
Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro, xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay.
Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada
September 18, 2006: Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa qaraxaas ku dhintay dhawr qof oo uu ku jirey nin ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha DFKMG, waxaana gubtay dhawr gaari, waxana qaraxaasi uu ka dhacay meel wax yar u jirta halka uu ka socdey kulanka golaha Baarlamaanka DFKMG oo u fadhiyey cod bixin lagu ansixinayey gole wasiirro ah oo uu soo dhisay ra'iisul wasaaraha DFKMG, kulankaas oo ahaa meeshii uu ka soo baxay Cabdullaahi Yuusuf in yar ka hor intii aan qaraxu dhicin. September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka baxay markii ay ciidamada Maxk**aduhu soo gaareen duleedka Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u kala jabay laba garab, sidaasna ay maxk**aduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo aan dagaal ka dhicin.
November 26, 2006: Waa markii ugu h**eysey ee Ciidamo Itoobiyaan ah oo watey ilaa 50 Tikniko ah ay galeen magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya iyagoo ka faa'iidaysaney kala qaysanaanta Soomaalida.
December 28, 2006: Maxk**adaha Islaamiga ayaa ka Baxay Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, oo yiri: "Waxan magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankeenii iyo xubnihii ka hawl gelayey." Waxana uu intaas ku daray in "maxk**adaha Islaamigu ay midaysan yihiin", waxana uu ka bixidda Muqdishu ku tilmaamay bedelaad xeeladeed.
Waxaa markaas magaalaada Muqdisho galay ciidamada Itoobiya.
January 1, 2007: Maxk**ada Islaamiga ayaa ka baxay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
January 17, 2007: Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG ayaa kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas gaashaanka ayuu ku dhuftay.
January 31, 2007: Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Shiikh Aadan Madoobe.. [10-Musharax ayaa isku soo taagtay Xilka Gudoominimada Baarlamaanka waxaana markiiba iska casilay 3-Musharax, waxaana tartamay 7-Musharax iyadoo Aakhiritaankii ay isugu soo h**een 2-Musharax oo kala ah Shiikh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Max’ed Kiish Bur, waxaana 153-cod ku guuleystay Shiikh Aadan Madoobe halka Ibraahim Kiishbuur uu ka keenay 50-cod.
Hase yeeshee Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. “
Xilka waxaan dhiibi karaa markii si caddaalad ah la’iga qaado oo la raaco Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heyste u yahay Ciidmada itoobiya.
Shariif Xasan wuxuu sheegey inuu sii wadi doono howlihii dib u hashiisiinta ee uu ka dhex waday Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku tilmaamay doorashada Guddoomiyanimda ee Shiikh Aadan Madoobe mid ay ka soo shaqaysay Dowladda itoobiya, waayo waxay weligeed ku taameesay sidii uu Shiikh Aadan Madoobe uu u noqon lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka taasna maanta ayey fursad u heshay.
June 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa magaalada Muqdisho ku tegey kulan aan h**e loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafadda adduunku ugu yeertay "safar kusoo bood ah". June 8, 2007: Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde", madaxweynihii ugu h**eeyey ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi. (Aadan Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007).
October 29, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa iska casiley ra'iisul wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Geeddi iyo C/laahi Yuusuf.
Markii dambe Geeddi waxa uu sheegay in sababta khilaafk ay sal u ahayd Batroolka Soomaaliya.
Geeddi waxa uu ra'iisul wasaare u ahaa DFKMG intii u dhexeysey November 3, 2004 ilaa October 29, 2007.
November 4 - 10, 2007: Waxa uu ahaa toddobaad ay ciidamada Itoobiya magaalada Muqdisho ka geysteen xasuuqii ugu darnaa, iyadoo wararka qaar sheegeen in hal maalin la diley dad shacab ah oo gaaraya ilaa 50 qof. November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxaana lagu dhaariyey Baydhabo Nov 24, 2007. December 2, 2007: Col. Nuur Cadde ayaa soo magacaabay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 wasiir, 11 wasiiru dawlo iyo 31 wasiir xigeen.
Maalintii xigtey waxaa soo baxay in wasiirro uu magacaabay ay is-casileen iyagoo tilmaamay in markii la soo magacaabay aan lala tashan iyo in aan magacaabista wasiirrada la waafajin nidaamka 4.5 ee ay ku salaysan tahay DFKMG ee awood qaybisga Qabiilooyinka, waxaa kale oo soo shaac baxay in beelo Soomaaliyeed aysan ku qanacsanayn habka loo soo dhisay golaha wasiirrada.
Col. Nuur Cadde safarkiisii ugu h**eeyey waxa uu Dec 5, 2007 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa.
December 2, 2007: Hay'adaha u dooda xuquuqda Insaanka ayaa sheegay in sannadka 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay Soomaaliya in ay gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. (Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay.)
December 29, 2008: Waxaa xilka madaxweynaha DFKMG iska casiley Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
January 30, 2009: Kulan ay xubnaha Baarlamaanak DFKMG ku yeesheen Jabuuti, ayaa waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Shariif Sheikh Axmed.
Murashaxii xigey ee codadka badan ka helay baarlamaanka waxa uu ahaa Maslax Maxamed Siyaad Barre, oo uu dhalay madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya.
Feruary 13, 2009: Madaxweynaha DFKMG oo ku sugnaa Jabuuti ayaa ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu doortay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharmaarke oo la diley Oct 15, 1969. 14/octoobar,2010, waxaa raysul-wasaare loo magacaabay max,ed c/laahi farmaajo.
waxa uuna noqday raysul-wasaarihii labaad ee dowladda sh/shariif sheikh axmed
Juun 23,2011, waxaa raysul-wasaare loo magacaabay c/wali gaas.
10-sebtembar 2012, waxaa doorashada madaxtimada dalka ku guulaystay Xasan Sheikh Max,uud.