Hassan Galuu

Hassan Galuu Peace. Discipline . Growth 🌙 Documenting the journey . Vlogs . Fitness

06/06/2026

In aad wax khiyaamayso iyo in lagu khiyaameeyo hadday kuu noqoto, in lagu khiyaameeyo aqbal; In aad ballan ka baxdid iyo in lagaaga baxo, doorbid in lagaaga baxo; in aad daalim noqoto, ka dooro in aad dulmana ahaatid.

05/06/2026

You control your effort, not the outcome.

Pour everything into the work.

Then let go of the results.

The universe will decide what happens next.

Your only job is to show up fully.

04/06/2026

Waaxa jira halgan la dhaho halganka karaamada: in aad u dagaalanto in aanay cidina hoos kuu dhigin. In aanad qofna u noqonin doorashada labaad, qofna aanu kaa dhigin kusii sime. In aad noqotid qofka ugu mudan ama aanad noqoninba ood ka maqnaato. In aanad naftaada ku qasbin nolosha qof aan ku rabin. In aad ka tagto cid kasta oon ku siinayn qiimaha aad mudantahay, waayo maqnaanshaha ayaa ka roon joogis bilaa maqnaansho ah.

Noloshu waxay inta badan ku siisaa waxa aad waqtigaaga ugu badan geliso.Waxa aad maalin walba ka fikirto, ku dadaasho, o...
03/06/2026

Noloshu waxay inta badan ku siisaa waxa aad waqtigaaga ugu badan geliso.

Waxa aad maalin walba ka fikirto, ku dadaasho, oo wakhtigaaga ku bixiso ayaa ugu dambayn noqda qayb ka mid ah qofka aad tahay.

Aqoonta, akhriska, xirfadaha, ama xitaa caadooyinka xunxun dhammaantood waxay ka bilaabmaan waxyaabaha aan si joogto ah u quudinno.

Sidaa darteed, ka taxaddar waxa aad waqtigaaga iyo maskaxdaada ku maalgelinayso. Maanta waa caado, berri se waa mustaqbal.

📖✨

Mucjisooyinka hooyada waxaa ka mid ah in ay tahay isha ugu wayn ee adduun-aragga iyo kalsoonida ilmaha qaabeeya. Xaadir ...
02/06/2026

Mucjisooyinka hooyada waxaa ka mid ah in ay tahay isha ugu wayn ee adduun-aragga iyo kalsoonida ilmaha qaabeeya. Xaadir ahaanshaheeda ayaa ka mudan erayada ay ku tiraahdo.

Bilmetel:

Marka ilmuhu ooyo oo ay ka jawaabto… waxuu bartaa: “Qof baa jira iga naxaya.”

Marka uu cabsado oo ay dejiso… wuxuu bartaa: “Adduunku uma aha khatar sida u ugu muuqdo."

Marka ilmaha oo sheekaynaya ay hooyadu dhegeysato halkii ay iska indho tiri lahayd… waxuu dareemaa: “hadalkaygu qiime ayuu lee yahay.”

Tani waa waxa cilmi-nafsigu ugu yeero “attachment” (sidkanaan).

Kalsoonida, aamminaadda iyo ammaanka lama sharraxo waa...Waa la dareemaa. Waxay ka abuurmaan khibradaha aad ka waaya-aragto inta aad abaydinka tahay.

Khibraddaas aad hooyadaa ka dhaxashaa waxay noqotaa qaab-dhismeedka noloshaada dambe: Sida aad wax u jeclaanayso, heerka furfurnaantaada, sida aad u maareyso dareennada xanuunka leh iyo sida aad dadka u aaminto.

Ilmaha danaynta la siiyay, waxuu noqdaa qof dareen ahaan deggan marka uu weynaado. Halka ilmaha la iska indhatirayna

uu noqdo mid xirxiran, difaac ku jira oo dareen ahaan kacdoonsan.

Ka hor inta aan adduunku ku barin cidda aad aaminayso…hooyadaa ayaa h**e kuu bartay.

Qoraagga iyo suxufiga Maraykanka ah, David Brooks, ayaa dhigganahiisa "Sida loo barto qof" iyo khudbadihiisa intaba ugu ...
02/06/2026

Qoraagga iyo suxufiga Maraykanka ah, David Brooks, ayaa dhigganahiisa "Sida loo barto qof" iyo khudbadihiisa intaba ugu faaqiday mowduuc naadir ah oo saameeya nuxurka nolosha aadanaha casriga ah: sidee baynu xiriir dhab ah oo qotodheer ula yeelan karnaa dadka inagu xeeran xilli ay sii yaraanayso is-fahamka iyo isu-damqashada bulshadu? Isaga oo iftiiminaya dhibaatadan weyn ee ragaadisay dunida, waxa uu qoraagu dul istaagay sida aadanuhu uu u sii fogaanayo, kalinimada iyo niyad-jabkuna ay u noqdeen aafooyin bulsho. Isbeddelkan wuxuu inta badan salka ku hayaa habacsanaanta xiriirka qofeed, firaaqada dareenka, iyo awood-darrada in aynu qofka kale u eegno il-naxariis leh, maqalno dhibkiisa, isla markaana qiimayno sharaftiisa aadanenimo, taas oo aakhirka beerta bulsho arxan-daran oo qallafsan.

Si arrintan xal loogu helo, Brooks waxa uu soo bandhigay in dadku ay u kala baxaan laba nooc oo kala ah: kuwo noloshu ka buuxdo dhaleecayn iyo danayn-la'aan, oo hoos u dhiga qiimaha qofka ay la kulmaan, iyo kuwo ifaya oo deeqsi ku ah xiisaha iyo ixtiraamka, kuwaas oo qof kasta u dareensiiya in uu yahay qof qaali ah. Tusaale cajiib ah oo arrintan iftiiminaya waxa uu ku muujiyay gabadh la cuntay laba siyaasi oo caan ah. Siyaasigii h**e wuxuu u muuqday inuu isagu yahay qofka ugu caqliga badan dalka, halka siyaasigii dambe uu gabadha dareensiiyay in iyadu ay tahay qofka ugu caqliga badan, taas oo tusaale u ah awoodda dhabta ah ee iftiiminta qofka kale iyo xirfadda dhegeysiga.

Dhisidda xiriir qotodheer ma aha wax iska yimaada; waa farshaxan iyo xirfado la barto. Tallaabada ugu horraysa waa "eegmada", taas oo ah fariinta ugu horraysa ee bini'aadamku is-dhaafsado. Indhuhu waxay tabiyaan ixtiraam, qaddarin, iyo oggolaansho kahor inta aan erayna la is-dhaafsan, waxayna ujeeddadu tahay in qofka loola dhaqmo sharaf iyo karaamo dhameystiran.

Tallaabada xigta waa in xilliga lagu wada qaato xaalado caadi ah oo aan qasab ka dhigayn in la yeesho doodo qotodheer; waa xirfadda wada-joogga iyo isku-nafisidda qofka kale. Marka ay timaado wada-sheekaysiga, Brooks waxa uu dadka ku dhiirrigelinayaa in ay noqdaan dhegeystayaal "buuq badan", oo dareen iyo firfircooni ku darsanaya wada-hadalka, iyada oo laga fogaanayo in qofku uu naftiisa uun ka sheekeeyo ama dhaliil raadiyo. Taa beddelkeeda, su'aalaha furan iyo kuwa la xiriira sooyaalka qofka ayaa albaab u noqda in xiriir dhab ah uu abuurmo, kuwaas oo isugu jira su'aalo fudud oo bilow ah ilaa kuwa gundheer oo taabanaya cabsida iyo ujeeddooyinka nolosha qofka.

Xirfadda ugu adag ee aadanuhu dhibsado waa maaraynta wada-hadallada qallafsan, sida la-macaamilka qof niyad-jabsan ama qof fikir ahaan laga soo horjeedo. Qofka niyad-jabku hayo uma baahna xal ama in loo sheego in xaaladdiisu fiican tahay, taas oo dhibka ku sii kordhisa; wuxuu u baahan yahay un dareen ah in dhibtiisa la garwaaqsan yahay, lana garab-taagan yahay. Halka dhinaca khilaafaadka fekerka, ixtiraamku uu yahay furaha keliya ee badbaadin kara wada-hadalka; marka uu maqan yahayna ma jiro wax kale oo maskaxda gala.

Gebagebada aragtidan cajiibka ah ee David Brooks ayaa inagu baraarujinaysa caqabadda weyn ee inna hor-taalla. Xilligan la nabaad-guurinayo xurmada bini'aadamnimada, is-difaacidda iyo fogaantu waxay noqdeen dhaqan. Hase yeeshee, kacaanka dhabta ahi waa in qofku noqdo "Insaani Madax-adayg leh", mid isku daya in uu fahmo, daryeelo, oo ixtiraamo cidda ka soo horjeedda xitaa haddii deegaanku uu noqdo mid qallafsan. Helitaanka dhiiranaanta ah in la ogaado oo la wadaago xaqiiqada dhabta ah ee nafta ayaa jidka u xaarta is-faham gundheer oo waara. Brooks waxa uu marag ka noqonayaa in dareen-wadareedka, dhegeysiga, iyo fiirogaarka dadka kale ay yihiin darbiga keliya ee ina celin kara kahor inta aynu u jabin duufaanta arxan-darrada iyo shisheeyanimada ee halakeysay dunida maanta.

01/06/2026

Aqoontu waa awood 🔋

Aqoontu ma aha macluumaad la xafido; waa faham la dabaqo. Qof aqoon leh balse aan adeegsan, k**a duwana qof aan aqoon lahayn. Taariikhdu waxay caddeysay in bulshooyinka horumaray ay yihiin kuwa aqoonta ka dhigtay tiir nololeed, halka kuwa ka gaabiyay ay dib u dhaceen.

“Aqoontu waxay qofka siinaysaa awood uu ku fahmo

dunida, ku doorto jihadiisa, uguna xalliyo dhibaatooyinka ku xeeran.”

01/06/2026

Laba jeerba ha baqan:

1. Marka aad ku taagan tahay xaq, haka baqan in aad xaqaa caddayso oo aad ku dhiirrato in aad meesha ka saarto xumaanta meesha taala.

2. Marka aad sheegayso aqoon. Sababta oo ah, haddii aad aqoonta sheegisteeda ka baqato jaahilka ayaa helaya fursad uu ku sheego been aan meel haysan—haddii aad ka hakato sheegista aqoonta aad garanayso jaahilka ayaad u hoggaansami, waxa uu ka dhigayo aqoontana waad liqi amar la'aan.

01/06/2026

“Waxa tagay waxa ka fiican waxa soo socda”

Marwalbo oo aan waayo wax aan zaaid urabo waan ka caroon jiray ama waxaa igeli jirtay dareenka quusta laakiin waxan xaqiiqsaday beryahan in waxa tagay ay ka fiican yihiin waxa soo socda isla markaana nolosheena aysan noqon laheyn sida maanta ay tahay haddii aynaan yeelan laheyn awooddo aan kusiin deyno waxyaabaha naga tagaya.

Allah marnaba noloshaada k**a saaraayo wax uu ogyahay iney kuu fiicanyihiin adigoo aaminsan taas sii daa waxwalba oo ku xanuunjinaya waan hubaa bedel kheyr qaba ayaan imaan doonee.

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Galuu posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hassan Galuu:

Share

Category