MUUQ MEDIA

MUUQ MEDIA Kani waa Bogga Rasmiga ah ee Muuq Media

Waxaan maanta Hadhimo_sharafeed usameeyay walaalkay  Ahmed wuxuu ka mid yahay haldoorka xisbiga Kaah, waana masuulinyiin...
11/08/2026

Waxaan maanta Hadhimo_sharafeed usameeyay walaalkay

Ahmed wuxuu ka mid yahay haldoorka xisbiga Kaah, waana masuulinyiinta iyo xubnaha dalka Maraykankan ujooga Xisbiga KAAH -

Ahmed wuu mudanyahay intan iyo in kabadanba.

Sidoo kale waxaa hadhimo_sharafeedka nagu wehelinaayay Hogaanka xisbiga xubnaha ugu sareeya qaar kamida, sida, kuxigeenka 1aad, Xoghayaha guud iyo hogaamiyaha xisbiga, Eng Waaberi.

Astaanta Xisbiga kaah ayaa ah nabad iyo horumar.

Guud ahaan xisbiga kaah ayaa dhaqankiisu yahay isku xidhnaan, wada shaqayn dhaw, is ixtiraam iyo kalsooni.

Garyaqaan Abdikalik Awal Bari

Wasiir Barkhad miyuu ka badheedhay Sharci jabinta uu ku diwaan geliyay Warbaahinta? W/Q Garyaqaan Tawakal Ibrahim Mudane...
11/08/2026

Wasiir Barkhad miyuu ka badheedhay Sharci jabinta uu ku diwaan geliyay Warbaahinta?

W/Q Garyaqaan Tawakal Ibrahim

Mudane Wasiir, Wasaarada warfaafintu, waxay leedahay stage-ka kowaad ee rusqad siinta warbaahinta si waafaqsan Qod: 41aad (7aad) XL/71/2025. H**e u ahaa xeerka Qod: 39aad XL/71/2015. Rusqadsiinta iyo diwaan gelinta warbaahintu waaka duwantahay waxaana isku mid ah diwaan gelinta iyo Liisan bixinta sida ay xeerarkeenu qabaan.

Cida soo qaadata rusqada waxay dalbanaysaa, diwaan gelin si waafaqsan Xeerka liisamaha XL/98/2021. Waana protection iyo hbaraac in hadii xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ku diwaan geliyo magaca warbaahintaada, magacaasi adiga ayuu kugu koobnaan hadii lagugu qabsado adiga ayuu ku diwaan gashanyahay, waxaana mudnaanta lasiin doona cida dalbatay diwaan galinta in ay liisan qaadato habraaceedana martay cida ee horaysay si waafaqsan isla xeerka (98/2021).

Hadaba Warbaahintu markay so qaadato rusqada, waxay iska diwaan gelin doonta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud, sida uu dhigayo Qod: 6aad XL 27/2004 “Xeerka saxaafada Somaliland”.

Gef sharci ayay wasaarada Warfaafintu ku kacdey hadii ay iyaduu is racasantay, diwaan gelinta, liisan bixinta iyo rusqadsiinta warbaahinta.

Warbaahinta cusub, ee hada rusqada qaadanaysa, ee aan h**e u diwaan gashanayn ee aan liisan rasmi ah haysanin waa in ay maraan habraaca sharcigu jideeyey, sida ay dhigayaaan dhamaanba Xeerarka sida cad u sheegay.

Wasiir sharci yaqaan ayaad ahayde hanaankeeda u mar habraacyada aad adigu wada qaadatay. Sharciga Xukuumadu ha ixtiraamto.

"Xeerka Saxaafadda Somaliland (Xeer Lr. 27/2004) waa xeer dhaqangal ah oo lagu soo shaqaynayay in ka badan labaatan sann...
11/08/2026

"Xeerka Saxaafadda Somaliland (Xeer Lr. 27/2004) waa xeer dhaqangal ah oo lagu soo shaqaynayay in ka badan labaatan sannadood. Xeerkani wuxuu awoodda diiwaangelinta saxaafadda si cad u siinayaa Diiwaanhayaha Guud ee Qaranka, oo ka tirsan Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud. Xafiiskaasi wuxuu tan iyo markii xeerku dhaqan galay ahaa hay’adda dawladeed ee diiwaangelisa warbaahinta dalka.

Qodobka 6aad ee Xeerka Saxaafaddu wuxuu dhigayaa sidan:
“b) Cid kasta oo damacsan inay aasaasto hay’ad saxaafadeed, waxa waajib ku ah inay iska diiwaangeliso Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, ka dib marka ay soo dhammaystirto shuruudaha xeerku tilmaamayo.”

Sida ku cad qeexidda xeerka:

Saxaafad” macnaheedu waa abuuridda hawlqabad kasta oo saamaynaya maskaxda iyo fikradaha dadweynaha oo dhan, sida: wargeysyada, joornaalada, qoraalo xiliyeedyo, wakaaladaha wararka, raadiyaha, telefishanka, filimada la daawado, (filimo & video), masawirada, kartoonada, buugaga, miyuusiga iyo wax kasta oo loogu talo galo isku xidhiidhinta wadareed (mass communication).”

Haddaba, iyada oo qodobada xeerku sidaas u cad yihiin, isla markaana aanu ahayn xeer cusub balse uu yahay xeer muddo ka badan labaatan sannadood lagu soo dhaqmayay, waa gef sharci oo cad in Wasaaradda Warfaafintu sheegato inay diiwaangelinayso warbaahinta. Tallaabadaasi waxay dhinac marinaysaa xeer dhaqangal ah, waxaanay ku xadgudbaysaa awood sharci oo loo igmaday xafiis kale oo dawladeed.

Sidaas darteed, waxaan ku baaqayaa:

1.In warbaahinta Somaliland aanay u hoggaansamin tallaabadan sharci-darrada ah, taas oo mustaqbalka xukuumaddu u adeegsan karto cabudhinta iyo xakamaynta warbaahinta.

2.In warbaahintu iska diiwaangeliso xafiiska sharcigu awoodda u siiyay, kaas oo ah Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

3.In Wasaarada Warfaafintu ku ekaato gudashada hawlaha badan ee horyaalla, halkii ay kaga mashquuli lahayd inay la wareegto shaqo iyo awood uu sharcigu siiyay hay’ad kale."

Waxa qoray Xildhibaan Maxamed Xuseeen Jaamac (Rambo) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

"Wasaarada warfaafintu ma diiwangaliso Liisana ma siin karto ha'yadaha warbaahineed,waxa ka reebaya xeerka saxaafada xee...
11/08/2026

"Wasaarada warfaafintu ma diiwangaliso Liisana ma siin karto ha'yadaha warbaahineed,waxa ka reebaya xeerka saxaafada xeer L.r 27/2004.

Wasaaradu waxay Bixisa Ruqsad (Work-permit) marka ay hubiso shuruudaha in ha'yadani shaqayn karto iyo in kale, waxaana u -ogolaanaya xeerka kala xadaynta Xukuumada xeer L.r 71/2025. Ruqsadana waxa qaata warbaahinta cusub ee aan ogolaansho h**e u-haysan waana hal mar wax la bixiyo marar kala duwan ogolaansho shaqo lama bixiyo (One time) weeye,ogolonshaahsna waxa lagu socodsiiya inuu diiwangaliyo xeer ilaaliyaha Guud ee qaranku.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa u xilsaaran diiwangalinta Gancsi ee warbaahinta, si waafaqsan xeerka saxaafada ee dhaqangalka ah. xeer L.r 27/2004
warbaahinta sharciyada ruqsadoodu waxay ku ansaxda diiwangainta xafiiska diiwanhayaha (Xeer-ilaaliyaha) diiwangalintuna waxay ilaalisa sharciyada xuquuqda iyo hal abuurka warbaahinta."Garyaqaan Mubarik

Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ciidamadeeda kala baxayso magaalada Buur Xakaba ee gobolka Bay halkaas oo ay ku s...
11/08/2026

Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ciidamadeeda kala baxayso magaalada Buur Xakaba ee gobolka Bay halkaas oo ay ku sugnaayeen 12-kii sano ee la soo dhaafay.

Itoobiya ayaa muddo dheer argagaxisada ka ilaalinaysay magaaladan oo muhiim u ahayd amniga Soomaaliya, waxana ay muddo dheer ahayd dalka keliya ee sida buuxda gacanta ku haya Buur Xakaba.

Xigasho Gallaydh TV

11/08/2026

Hadii Aadan Garnayn Sheekha Tariikhdiisa Cidgarnaysa....Sh Abu Xamze

Hambalyo Gudoomiye Maxamuud Xaashi
11/08/2026

Hambalyo Gudoomiye Maxamuud Xaashi

Yuusuf Shaacir Oo Bartiisa Faysbuuga  Kubahiyay Sidan"Xukuumaddan madaxwayne (Cirro) intii ay jirtay ninka ugu run sheeg...
11/08/2026

Yuusuf Shaacir Oo Bartiisa Faysbuuga Kubahiyay Sidan

"Xukuumaddan madaxwayne (Cirro) intii ay jirtay ninka ugu run sheegsani waa lataliyaha madaxw aynaha arrimaha Amniga. Yaad ku dari lahayd?"

11/08/2026

Qaabka La isku Xasuusiyo Xukuumaddaha haddii Ay ku illawdo ....balaaki

11/08/2026

Gudoomiye Samaalle iyo Xildhibaan Qodax oo Heshiiyey.

Address

Hargeysa
Hargeisa

Telephone

+25263797778

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MUUQ MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to MUUQ MEDIA:

Shortcuts

Share