Art+ TV

Art+ TV Boggan waxa aad ka hellaysaa, wararka, warbixinaha, iyo barnaamijyo ku xiiso galiya.

“Madaxweyne codad iyo qoraalo cadayn ah ayaanu ka haynaa Agaasimaha guud ee warfaafinta Anagu bilaa cadayn iskamaanan ca...
21/05/2026

“Madaxweyne codad iyo qoraalo cadayn ah ayaanu ka haynaa Agaasimaha guud ee warfaafinta Anagu bilaa cadayn iskamaanan caban.

Madaxweynaha iyo Wasiir Khadar oo aanu amaan u hayno Waxaanu leenahay naga soo gaadha waxay wadaan wixiina aan cune aamusa. Wasaaradi inaanu galno xitaa way noo diiden.” Fannaaniinta Qaranka.

“Inankaas yari” dembi buu galay waa af la fahmi karo (inkasta oo uu yahay afkii xeer-ilaalinta ee aanu ahayn af wasiir)....
21/05/2026

“Inankaas yari” dembi buu galay waa af la fahmi karo (inkasta oo uu yahay afkii xeer-ilaalinta ee aanu ahayn af wasiir). Gardarro ayuu ku hadlay oo waxa uu sheegay waa qalad, iyana waa la fahmi karaa (oo ma jiro qof aan gefi karin). Cadaw buu se u shaqeeyaa, waxa aan is lahaa waa laga gudbay oo xukuumadani arimahaas waa ka waayo arag.

Somaliland waa Jamhuuriyad shacabku leeyahay oo leh dastuur. Anna waxa aan ahay muwaadin reer Somaliland oo ogol dastuurka, gartaydana waxa ka garsoore ah shacabka." Guleed Dafac

Wasiirka arimaha guddaha Somaliland oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay jiraan shak...
21/05/2026

Wasiirka arimaha guddaha Somaliland oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay jiraan shakhsiyaad si cad uga soo hor jeeda qaranimada Somaliland oo taageero siiya cadawga. "Waxa jira shakhsiyaad laba waraaqood soo akhriyey oo isku sheego in ay sharciga garanayaan oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland. Waxaa aan leeyahay waanu garanaynaa cid aad u shaqayso lagaana yeeli maayo talaabo sharciga waafaqsanbana lagaa qaadayaa." Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Dr Guleed Dafac ayaa maalmihii u dambaysay barahiisa bulshada ku baahinaayay qoraalo uu ku doodaayo saamaynta ka dhalan karta hadii Somaliland safaarad ka furato Jerusalam iyo Qudus, Guleed ayaa qaba dood ah in aan adduunku u aqoonsanayn Qudus meel ay Isra'iil leedahay hadii ay Somaliland ka furato safaaradna ay taasi noqonayso in ay jabisay shuruucda caalamiga ah.

Dad badan ayaa doodaasi aragtiyo kala duwan ka dhiibtay kuwa taageersan iyo kuwa diidanba, halka xukuumada Somaliland na ay si cad u sheegtay in shakhsiyaadka doodaa keenay ay u shaqeeyaan cadow ay garanayso.

Maxay kula tahay?

Qaar ka mid ah fannaaniinta qaranka Somaliland ayaa sheegay in laga musuqmaasuqay dhaqaalihii loogu talagalay xuska 18 m...
20/05/2026

Qaar ka mid ah fannaaniinta qaranka Somaliland ayaa sheegay in laga musuqmaasuqay dhaqaalihii loogu talagalay xuska 18 may. Fannaaniinta ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaaradu uu u sheegay in lacagtii loogu gala galay meelo kale lagu bixiyay.

Qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ayaan iyagana la soo gaadhsiinin dhaqaalihii loogu tala galay, in ka badan 135 wariyayaala oo si toosa u baahinaayay munaasibadii 18 may ayaan qaar ka mid ahi helin lacagii loogu tala galay.

20/05/2026

"140 dhalin yarada ah ee ku xidhan Boorama ha loo qaybiyo saldhigyada dalka." Siyaasi Shirwac.

Wasiirka arimaha dibada Isra'iil oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu dhawaan ku soo dhawayn doono...
20/05/2026

Wasiirka arimaha dibada Isra'iil oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu dhawaan ku soo dhawayn doono Jerusalaam madaxweynaha Somaliland.

"Waxaan ku bogaadinayaa saaxiibkay, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, go’aanka muhiimka ah ee uu ka qaatay dhismaha safaaradda Somaliland ee Qudus.

Furitaanka safaaradda ee magaalada Qudus ayaa noqon doonta tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka ka dhexeeya dalkeena iyo dalalka kale. Waxaan si wada jir ah uga wada shaqeyn doonaa fulinta go’aankan dhawaan.

Tani waxay safaaradda Somaliland ka dhigi doontaa safaaraddii siddeedaad ee Qudus. Mudane Madaxweyne, waxaan rajaynaynaa inaan dhawaan kugu martigelinno Jerusalem" Gideon Saar. Wasiirka arimaha dibada Somaliland

Golaha deegaanka Gabilay ayaa saaka Maayar u doortay Mursal Maxamed Jaamac.
20/05/2026

Golaha deegaanka Gabilay ayaa saaka Maayar u doortay Mursal Maxamed Jaamac.

Kooxda Arsenal ayaa ku guulaysatay koobka horyaalka Ingiriiska ka dib in ka badan 20 sanno oo aanay koobkaasi qaadin. Ar...
19/05/2026

Kooxda Arsenal ayaa ku guulaysatay koobka horyaalka Ingiriiska ka dib in ka badan 20 sanno oo aanay koobkaasi qaadin.

Arsenal ayaa sannadkan dhigaysa taariikho cusub, sidoo kale waxa ay joogta finalka koobka Chmapionka oo ay la dheeli doonto kooxda PSG.

Sideed u aragta in ay Arsenal ka baxday koob la'aanti? Ma u malaynaysaa in ay qaadi karto sannadka Chmapionka?

19/05/2026

Maxaa dhacayaa hadii Somaliland Qudus ka furato safaarad? Dr Guled Dafac

19/05/2026

Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland.

19/05/2026

Ciidanka Asluubta Somaliland.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Art+ TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Art+ TV:

Share