Abdi azizi zouma

Abdi azizi zouma Pegs follow dheh Shere. nadheh

Xisbiyada Kaah, Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal oo heshiis ka gaaray dhismaha golaha deegaanka degmooyinka Puntland.Waxaa ma...
12/09/2023

Xisbiyada Kaah, Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal oo heshiis ka gaaray dhismaha golaha deegaanka degmooyinka Puntland.

Waxaa magaalada Garoowe kusoo gaba-gaboobay shirar u socday xisbiyada siyaasada Puntland qaarkood kaas oo ku aadanaa dhismaha golayaasha deegaanka Puntland ee dhawaan lasoo doortay.

Ururada Kaah, Sincad, Mustaqbal iyo Ifiye ayaa ku heshiiyay in la qayb-sado oo la wada-dhisto degmooyinka Puntland marka laga reebo magaalooyinka aqlabiyada ay ku yihiin xisbiyadu ee ay iyagu dhisan karaan.

Xisbiyada mucaaradka ayaa horay shir ula yeeshay Xisbiga Mideeye kaas oo ku aadan in si wadajir ah ay mucaaradku u dhistaan degmooyinka si looga adkaado xisbiga dawlada ee Kaah, balse Mideeye ayay ku xireen 2 shuruudood oo kala ah in marka h**e shahaadada xisbinimada soo qaataan, sidoo kalena ay soo magacaabaan xubinta PEC.

Xisbiga Mideeye ayaa diiday shurudahaas, waxayna xisbiyadu dib ugu laabteen Xisbigga Kaah ee dawlada kaas oo ay is-afgarad la gaareen ayna wada dhisanayaan degmooyinka Puntland sida ilo wareedyo tebinayaan.

Talaabadaan ayaa ka dhigan in 30ka degmo ee Puntland uu Mideeye ka dhisan doono degmooyinka Dhudhub iyo Gumbax oo keli ah, shaqada dhismaha ayaa dhawaan bilaabanaysa sidda qorshuhu yahay.

11/09/2023

Somalia qabyalad meeshay ka gartay balday🥲😡

  Abaaro shalay maqribkii ayay gabadhani guri magalada jigjiga kuyaala kusoo garaacday markii laga furayna waxay tidhi m...
11/09/2023

Abaaro shalay maqribkii ayay gabadhani guri magalada jigjiga kuyaala kusoo garaacday markii laga furayna waxay tidhi meel aan kudhalo isiiya waan dhalayaaye socotana waan ahaye, markii laga furayba way istuurtay kadibna jaarkii ayaa kusoo ururay kana dhaliyay.

Xalay waxaa lala seexiyay gabadh iyadii ilmihiiba saaka markuu waagu baryay ayaa loogu yeedhay gabadh kashaqaysa xafiiska haweenka oo ladhaho Shukri Ahmed Shire kadibna shukri ayaa waraysatay waxayna usheegtay magaaloyin ay kamid tahay harawa iyo Jaare kadibna shukri ayaa wacday madax xafiisadada haweenka goobahaas kuwaasina waxay dhaheen ma garanayno xagana mayna ka iman.

Markii lagu wareeray hadaladeedii isdhaafdhaafayay ayaanu ugu yeedhnay maamulka Xaafada 12aad kuna wareejinay oon kudhahnay hawsha gabadhan idinkaa dawlad ahe baadha waxaana igu war danbaysay gabadhii iyo ilmihii oonu kuwareejinay waxaana caawa igu xigtay inaan facebok uun ka arko ilmihii iyo dharkii bustihii aan huwinay huwan oo la baafinayo misna la leeyahay qashin baanu kasoo helnay.

Shukri waxay tidhi qoftaasi haday baxsatay waxaa dayacay maanulka qabalaha 12aad iyagaana masuuliyada darada intaas le,eg lagala xisaabtami.
Xigasho Abdi barud

Inalilahi waa ina ilayhi raajicun 😭😭Waxan hadda wadada ka qaadnay ilmo yar oo wiil ah ku dhawaadna jira meelaha todobaad...
11/09/2023

Inalilahi waa ina ilayhi raajicun 😭😭

Waxan hadda wadada ka qaadnay ilmo yar oo wiil ah ku dhawaadna jira meelaha todobaad waxan umalayn in Hooyadi dhashay ay soo dhigtay ama-ba lagasoo xaday, hadii cidd uuni raadinayso ilmahaas yar nambarkaygaas hoose kalaso xidhiidha,

Gurigaygan geeyay isago sirirsanna maro-na lagu duudubay si uu naf baxo lakin wuxu Allah sabab uga dhigay inu badbaado, Aniga iyo xaaskii oo lugaynayna oo dar allah un kula kulannay meel aan garab maraynay oo walahi qashinka iyo Ayydu ay is buux dhaafisay marka bal ajirkaas nala qaybsado sii faafiya fadlan

Waka nambarkaygu +251915743334

W/Q Abdisalam Budul

Ilahay ha u naxariistee Dr Sakariye Cabdi jaamac oo shalay galab lagu dilay Gaalkacyo ayaa maanta la aasay,
10/09/2023

Ilahay ha u naxariistee Dr Sakariye Cabdi jaamac oo shalay galab lagu dilay Gaalkacyo ayaa maanta la aasay,

Address

Abdi Azizi Awil
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdi azizi zouma posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category