15/10/2026
Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamed Xasan Faahiye (Culus), iyo Guddida Nabadaynta Golaha Guurtida JSL, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddida, Maxamuud Maxamed Jaamac, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay gobolka ka waday hawlo nabadayn ah, ayaa maanta deegaanka Ceeryaan ku kala wareejiyey shan jifi oo qayb ka ahaa go’aamadii dhawaan laga soo saaray geeddi-socodka nabadaynta deegaankaasi.
Munaasibadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta deegaanka, Maayir-ku-xigeenka degmada iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu adkaynayo nabadda, laguna xoojinayo wadajirka iyo xasilloonida bulshada deegaanka Ceeryaan.