16/10/2026
WASAARADDA KALLUUMAYSIGA PUNTLAND OO DARDAR GELINAYSA KOR U QAADISTA DAKHLIGA DOWLADDA EE GOBOLKA RAAS-CASAYR
Caluula: Wakiilka Wasaaradda Kaluumaysiga ee Gobolka Raas-Casayr, Mudane Maxamuud Maxamed Ciise (Laangare), ayaa kulan la qaatay maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Raas-Casayr, iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Kaluumaysiga, Maaliyada, Dekadaha, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta dakhliga dowladda iyo xoojinta wada-shaqaynta hay'adaha ay khusayso.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ay ku doonayso in kor loo qaado dakhliga dowladda, lana xoojiyo nidaamka diiwaangelinta iyo maamulka hawlaha kalluumaysiga, gaar ahaan doonyaha ka hawlgala xeebaha Gobolka Raas-Casayr.
Mudane Maxamuud Maxamed Ciise (Laangare) ayaa wada dadaallo lagu horumarinayo habsami-u-socodka hawlaha Wasaaradda, iyadoo la xoojinayo iskaashiga maamulka gobolka, maamullada degmooyinka iyo hay'adaha kale ee dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dakhliga iyo kheyraadka badda.
Sidoo kale, dadaalladan ayaa muhiim u ah sidii loo heli lahaa nidaam hufan oo lagu maareeyo dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda, korna loogu qaadi lahaa kaalinta ay xeebaha Gobolka Raas-Casayr ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha iyo dakhliga Dowladda Puntland.
Wakiilka Wasaaradda ayaa ugu Baaqay Wakiilada iyo Ganacsatada inay Cusboonaysiiyaan Shatiyadooda si ay Dawlada ugu Fududaato Aqoonsiga Dadka Wakiilka ka ah Doonyaha Ajnabiga ah.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Doonyaale ayaa wada dadaallo lagu horumarinayo maamulka kheyraadka badda iyo kordhinta dakhliga dowladda, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay'adaha dowladda iyo dadka ka ganacsada kalluumaysiga.