21/03/2026
Berbera: Alle haw naxariiste, hal qof oo dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday kadib markii ay baddu liqday, halka qof kale laga soo badbaadiyay
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhacdadani ay ka dhacday xeebaha Berbera xilli ay magaalada ku sugnaayeen dalxiiseyaal aad u tiro badan, kuwaas oo u dabaaldegaya maalmaha Ciida.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo quuseyaal si gaar ah u tababaran ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdada, iyagoo ku guuleystay inay badbaadiyaan qofkii labaad.