Akram Ahmed

Akram Ahmed Video created

05/02/2025
05/02/2025

So dhaweenta madaxwaynaha 5 ee qaranka waa salasada 11-02-2025 dhamaan dhalinyarta hargeisa iyo nawaxigeeda diyar ha lagu ahaado

  : Gobolka    ma ka mid noqon karaa   Dawladda  Federaalka Soomaaliya ? Cali braahim Jaamac Baqdaadi, Gudoomiyihii h**e...
10/03/2023

: Gobolka ma ka mid noqon karaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ?

Cali braahim Jaamac Baqdaadi, Gudoomiyihii h**e ee Baanka Somaliland ayaa qoray :-

: Gobolka ma ka mid noqon karaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ?

Jawaabtu waa MAYA . Waxa diidan Dastuurka JSL Iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya .

1. Dastuurka JSL Qodobkiisa Kowaad wuxuu dhigayaa : “ Qaranka JSL waa Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska , lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland ( Somaliland Protectrate) kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii.

2. Dastuurka Federaalka Somaalia, Qodobka 49aad, Faqradahiisa 5aad & 6aad waxay dhigayaan in ugu yaraan LABA GOBOL ama ka badani ay samaysan karaan Maamul Goboleed kana mid noqon karaan “ Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.
Labada Faqradood 5aad & 6aad ee Qodobka 49aad ee Dastuurka Federaalka Somalia waxay u dhiganyaheen sida soo socota :
Faqrada 5aad : “ Xuduudaha Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii Gobollada Somalia ee jiray 1991-kii “
Faqrada 6aad : “ Ugu yaraan LABA GOBOL iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha Xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda .”

Gobolladii Somaalia ee jiray 1991 waxay ahaayeen 18 Gobol. 5 GOBOL waxay ka mid yaheen Somaliland - Awdal, Waqooyi Galbeed , Togdheer, Sool iyo Sanaag , halka 13 GOBOL ay ku kala jiraan shanta (5) Maamul Goboleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaalia oo kala ah :

1. Puntland waxa ku midoobay - laba Gobol ( Bari & Nugaal )

2. Galmudug waxa ku midoobay - laba Gobol ( Gal-gaduud & Mudug )

3. Hirshabelle waxa ku midoobay - laba Gobol ( Hiiraan & Shabellada Dhexe )

4. koonfur Galbeed waxa ku midoobay - Saddex Gobol ( Bay, Bakool & Shabeellada Hoose )

5. Jubaland waxa ku midoobay – Saddex Gobol ( Jubadda Dhexe , Jubbadda Hoose & Geddo )

6. Banaadir oo ah Gobolka Caasimadda , Muqdishu, wuxuu ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya, welina waa lagu muransanyahay meeqaamka Gobolka Banaadir “ Official Status “
Qaab-dhismeedka Shanta Maamul Goboleed ee kor ku xusani, wuxuu is buuxda u waafaqsanyahay shuruudaha Qodobka 49aad , Faqradahiisa 5aad & 6aas ee Dastuurka Federaalka Somaalia. Waxaa intaa dheer, waxa weli lagu muransanyahay Meeqaamka Gobolka Banaadir. Kooxaha qaar ayaa ku doodaaya in haddii Gobolka Banaadir loo aqoonsado Maamul-Goboleed Lixaad , inay Beesha Hawiye awood culus ku yeelan doonto Dawladda Federaalka Soomaliya ayagoo yeelan doona Saddex Maamul Goboleed oo kala ah ( Galmudug, Hirshabeelle iyo Banaadir). Isla doodaas waxay odhanaysaa in haddii Gobolka Sool loo ogolaado inuu ka mid noqdo Dawladda Federaalka Somalia, Beesha Daarood waxay yeelan doonta saddex Maamul-Goboleed oo kala ah (Puntland, Jubaland iyo Sool) , waxaanay albaabka u furi doonta Gobollo kale oo ka hoos bixi doona Maamul –Goboleedyada ay hadda ka tirsanyaheen sida Shabeeladda Hoose, Marka.
Gunaanad : Maadama labada Dastuur ee JSL & Dawladda Federaalka Somaalia aany sharci ahaan iyo farsamo ahaanba u ogolayn ku biirista Gobolka Sool , waxa lagama maar-maan ah in Mushkiladda Lascaanood lagu xaliyo nabad-gelyo iyo wada-xaajood.

Adress

Sagogtan 9b
Jönköping
55449

Telefon

+46739521016

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Akram Ahmed postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta Affären

Skicka ett meddelande till Akram Ahmed:

Dela