MR Remind me

MR Remind me asc axaab kuso dhowaada page cusub ee aan furnay waxan idin kula wadaagi donaa maclumaad xasaasi o a duco waalid

20/04/2026

Warkaan sax miyaa ya tijaabiyay

03/04/2026

🔴 Qisada wiilka yar ee lagu magacaabo Karim Abu Nassar.

Kariim yare waa 18 bilood jir, shalay 10 saacadood u afduubnaa ciidamada Israa’iil. Kariim waxa loo haystay si aabbihii oo h**e loo xidhay uu wax u sheego, in la tuso wiilkiisa yar oo la ciqaabayo, kaddibna askarta Yuhuuddu ilmaha yar lugta ayay musbaar kaga garaaceen ilaa ay dhinaca kale uga dalooliyeen.

Sidoo kale sigaar ayay kaga damiyeen halkii ay musbaarka kaga dalooliyeen, ilaa 10 saacadood ayuu Karim xaaladdaas axmaqnimada ah ku sugnaa.

Aabbaha dhalay wiilka ee Abu Nassar waa maxbuus u afduuban iyaga; si uu waxa ay rabaan u qirto ayaana wiilkiisa yar loo ciqaabayay. Markii dambe hay’adda Laanqayrta Cas ayaa kasoo furfurtay oo u keentay hooyadii.

Cidanki USC EE  muqdisho lagaso diray o maxabiis ahan lo qabtay
30/03/2026

Cidanki USC EE muqdisho lagaso diray o maxabiis ahan lo qabtay

Magaceeda runta waa,Tabassum Fatima Hashmi oo loo yaqaan TABU. Waxeey kasoo jeedaa qoys Muslimiin ah Aabeheed waa Pakist...
22/02/2026

Magaceeda runta waa,Tabassum Fatima Hashmi oo loo yaqaan TABU. Waxeey kasoo jeedaa qoys Muslimiin ah Aabeheed waa Pakistan Hooyadeed waxey Macalin as iskuul qoys waxey kasoo jeedaa aqoonyahano ah.
waxey ku dhalatay Hyderabad
Hooyadeed iyo aabeheed waxey kala tageen ayadoo 3jir.

Sida la sheegay kuma dhaqanto diinta islaamka. Waxey go Aan Ku gaartay ineeysan guursan Doonin waligeed.

Shirkad khamro gaddo ayaa waxay raadinaysay qof khamrada aad u kala yaqaanoo oo dha dhamiyo.Nin ayaa yimid oo muqaalkiis...
17/02/2026

Shirkad khamro gaddo ayaa waxay raadinaysay qof khamrada aad u kala yaqaanoo oo dha dhamiyo.

Nin ayaa yimid oo muqaalkiisa Kore wasakh ka muuqato iyo nadaafad darro wuxuuna yiri shaqadaan ayaan rabaa waxaa lagu yiri k**a bixi kartid iska daaa

Ninkii wuxuu yiri waan ka bixi karaa ee hala i tijaabiyaa

Maamulihii wuxuu u yeeray gabadhii gacan yaradiisa ahayd wuxuuna ku yiri u keen ninkaan dhalo khamro ah,markuu dha dhamiyay wuxuuu yiri khamro gaduud ah waaye oo lagu beeray buuro dushooda 3 sano ayay fuusto ku jirtay oo lagu keydinayay!

Maamulihii yaab ayaa kasoo haray waaba run wuxuu sheegayo ninkaan

Maamulihii wuxuu ku amray gacan yaradiisa inay keen to khamro kale ,ninkii wuu dhadhamiyay wuxuuna yiri khamradaan 8 sano ayay meel taallay waxaana laga keenay talyaaniga

Maamulihii yaab ayaa kasoo haray mar Kale wuxuu meel luuq ah la galay gabadhii gacan yaradiisa ahayd wuxuuna ku yiri ninkaan ma ogaan karno beentiisa iyo runtiisa ee kaadidaada keen aan dha dhansiinee

Sidii ayay sameysay kaadideeda ayay keentay ninkii markuu dha dhamiyay wuxuuu yiri waaa gabar 26sano jirto oo uur 2 isbuuc ah leh adigaana u yeelay haddii aan shaqadaan heli waayo xaasakaaga ayaan u sheegayaa

Maamulihii wuxuu yiri codka hoos u dhig shaqada adigaa lehe😂

16/02/2026

Wa deg deg ah raashiin dhacay aya ka kenay casimada umada ee muqdisho sababtas o ah in laga faido ramayana dartis dowlad ilaalisana ma jirto ee shacabow is ilaaliya timir aya ku jirta waxa ku jira bur bariis marma wa iga degnin hala iska ilaaliyo tariiq been abuur ahna walagu qoray warer la hubo aniga igu imow #

15/02/2026

"Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha,
Goobaha nafwaagiyo
Halka laysku gawraco,
Marka gorodda lays daro,
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn,
Sida galowga dhiilloon
Illeen geesi qeyrkii,
Birta kuma gumaadeen?

Gu' hagaagay oo da'ay,
Guryasamo barwaaqa ah,
Dhulka geedo jiifaan,
Haddii geeddi lagu furo;
Dhallinyaro is gurataa
Gurdanraaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo,
Cagta garangarteediyo
Isu geysa jiibtoo,
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro,
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobey kicisoo,
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama' kaa ilaashee,
Haddaan gabadhi boodayn;
Illeen gegi ciyaareed
Wax ma dhaanto Geriyaad?

Haddaan guudka laga jirin,
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin,
Marwo dumar garka u xidhan,
Illeen guri dugsoon ma leh?

Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Gedgeddoonka dhalisoo,
Adigiyo go'aagaa
Hadba dhinac u guuroo,
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa,
Haddaan guud-haldhaaley
Kolba gacan la saarayn,
Illeen gogoshu wehel ma leh.

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni socodkoo,
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo,
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaha naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee,
Haddaan gaari kula jirin
Illeen noloshu guul ma leh."

#

31/01/2026
Natanyahu oo diidan in la weeraro Iiraan sida ay qortey warbaahinta Maraykanka. Tani ayaa lagu macneeyay cabsi ay ka qab...
17/01/2026

Natanyahu oo diidan in la weeraro Iiraan sida ay qortey warbaahinta Maraykanka. Tani ayaa lagu macneeyay cabsi ay ka qabaan in wixii h**e u gaaray wax ka weyn ay ku yimaadaan.

Fir firtii h**e waxa ka dambeeyay codsiyo maalin kasta ay u diraan Ruushka ayagoo ka codsanaya in Iiraan ayna weerarin. Maraykanka qudhiisa yaa xaalku ku xun yahay ayadoo waxa u furan keliya ay tahay duqeymo cirka ah oo aan waxba looga qaadi karin Iiraan xukuna lagu ridi karin.

Cabsi darteed wuxuu ka fogeeyay badaha Iiraan u dhow wixii maraakiib ka joogtey. Saldhiga badweynta Hindiya uu ku leeyahay ayaa faaruqiyay.

Natanyahu ma rabo in meel u dhow deegaankiisa marnaba laga weeraro Iiraan inkastoo uu taageersan yahay laakiin ma rabo in Iiraan aragto in gantaalaha laga soo ridey agtooda ama diyaaraduhu ka soo kaceen dalkooda.

Dhibka kale ee weyn ee haysta murjrim Taram ayaa ah Iiraan oo goosatey dhamaan is gaarsiinta dalka taas oo kala jartey iyaga iyo basaasiinta u jooga Iiraan ee munaafaqiinta ah.

Dhinaca kale shacabka dalkaasi oo kacay ayaa dhulka la galay dhamaan basaasiinta waday banaanbaxyda

Dowlada Maraykanka,ayaa uga digtay Dowladaha Turkiga,Qatar iyo Sacuudiga in ay soo farageliyaan xiriirka PL iyo Imaaraad...
13/01/2026

Dowlada Maraykanka,ayaa uga digtay Dowladaha Turkiga,Qatar iyo Sacuudiga in ay soo farageliyaan xiriirka PL iyo Imaaraadka.

"Anaga,ayaa ku og Imaaraadka shaqada uu ka hayo PL ee hafaragelinina,sababtoo ah halkaas,waxaa ka socda hawlgal balaaran oo lagula dirirayo argagixisada oo aan looga maarmin Imaaraadka"Ayay uqornayd fariinta Maraykanku gaarsiiyay Wadamadaas.

Maraykanku,wuxuu usheegay Dalalkaas in ay isbahaysi ahaan ku og yihiin Imaaraadku in uu ka taageero PL xaqiijinta amnigeeda Bad iyo Birri oo aysana rabin in la carqaladeeyo.

PL iyo Maraykanka,waxay kala saxiixdern Sanad ka hor heshiis iskaashi oo amniga iyo siyaasada ah.

Talaabada Maraykanka,ayaa timid markii PL ka hor timid go'aanka DFS ee ka dhanka ah Imaaraadka.

PL,waxay utahay hiil diblomaasi fariinta Maraykanka.

Mr remind me

Xaaladu way adagtahay: Cabsi wayn ayaa laga qabaa in Maraykanku weeraro Iran. Waxana la rumaysan yahay in dagaalkaan noq...
11/01/2026

Xaaladu way adagtahay: Cabsi wayn ayaa laga qabaa in Maraykanku weeraro Iran. Waxana la rumaysan yahay in dagaalkaan noqon doono Mid ka culus midkii dhexmaray Iran & Isreal 2025

Waa dagaal ku faafi kara dalal badan, Sida Somalia. Tusaale: Hadi Isreal ay dagaalka qayb ka noqoto:, Waxa sido kale Qasab noqon doona in kooxda xuutiyiintuna ay qayb ka noqdaan.

Dhawaan Kooxda xuutiyiintu waxay sheegtay in saldhiga Israal ku leedahay Somaliland uu bartilmaamed military u yahay!! 🤔
Aqriso by #

Address

Nairobi West

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MR Remind me posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share