28/12/2022
Waxa aan rajeeyaa
Rabi aan ka tuugaa
Raaliyo ideeqdoo
Raxmad iyo wanaagloo
Nolol Raaxo badan iyo
Aan wadaagno reynreyn
Eebow Raxmaanow
Aan cidlada ka raystee
Riyadayda ii fuli
Midaan iga ruclaynoon
U riyaaqin meelkale
Mid jacayl sidii roob
U rusheeyay laabtoo
Ragba aniga ii jecel
Mid ku qanacsan raaskiyo
Reerkaan u taagoo
Ruuxdeedu qani tahay
Mid Rabiyo asluubloo
An aqoonin roor roor
Ii Sahal Risaaqow
Aamiin Aamiin Aamiin
ππ―