Caabi Dacar

Caabi Dacar Informazioni di contatto, mappa e indicazioni stradali, modulo di contatto, orari di apertura, servizi, valutazioni, foto, video e annunci di Caabi Dacar, Viterbo.

Labada eray ee khuraafaad iyo aqoon waxay ka mid yihiin is diiddooyinka ugu waawayn ee caalamka laga aqoonsanyahay. Laba...
21/03/2022

Labada eray ee khuraafaad iyo aqoon waxay ka mid yihiin is diiddooyinka ugu waawayn ee caalamka laga aqoonsanyahay. Labadooda mid haddii la waayo waa biyo k**a dhibcaan in midka kale la helayo. La dagaalanka khuraafaadkuna waa dhabar jabinta caqligii h**e ee aan aqoonta heer-sare ka gaadhin.

Macnaha erayga khuraafaad waa ka fogaanshaha xaqiiqda, waa rumaynta fikrad aan waaqica la jaan qaadi karin si looga hor tago tabaalaha adduunka iyo mushkiladaha mar kasta la soo darsa aadamaha, waa keenidda xal aan caqli ku fadhiyin. Nolosha dadka bilawga ah waxay ku taagantahay in caalamka dahsoon ka saamayn badan yahay caalamka muuqda, mar kasta waxay dhibaha nolosha u aaneeyaan quruumo hoose oo awooda in ay saamayn togan iyo mid taban ba ku yeeshaan nolosha, guusha iyo caafimaadkaba.

Markii aadamihii h**e uu indhaha saaray adduunka, waxa la soo darsay ashqaraar iyo amakaaga, waxay la noqotay in uu qaddariyo dhammaan walxaha dabiiciga ah ee oogada guud kiisa saaran, k**a uu baaqsan in uu xiddigaha samada ka widhwidhaya la dhaco araggooda, waxa uu is dareensiiyay dhibta iyo dheefta uu ku qabo in ay ka soo maaxanayso ruuxda la midka ah ee ku jirta, taas oo keentay qofaynta dabeecadda.

Aamminidda in walxaha adag si uun u leeyihiin naf iyo garaad waa mid ku abuuran aadamaha lagana dheehan karo xidhiidhka caruurta yaryar iyo agabka ay ku ciyaaraan ka dhaxeeya, marka ay ooyaan waxay ku cadho burburaan caruusaddooda ama ay la sheekaystaan iyaga oo is dareensiinaya in ay fahmayaan.

Aadamahii bilawga ahaa waxa lagu qiyaasaa in uu kala saari kari la’aa walaxda nool iyo midda aan noolayn. Sidaa daraaddeed marka uu arko wabi rogmanaya waxa uu is dareensiinayay in xidhiidh jacayl ka dhaxeeyo, uguna deeqayo biyo uu naftiisa ku badbaadiyo. Marka wabigu ka leexdo ama uu biyo yareeyo wuxu isku qancinayay in uu ka cadhaysan yahay una baahi qabo xanaanayn dheeraada iyo raali galin.

Dhaqanka dadyawgaasi waxa uu keenay in duquus diineed (=religious rituals) loo sameeyo walxahaas la qofeeyay iyada oo looga qiyaas qaadanayo aadamaha. Tusaale, aadamahu wax buu cunaa waa in arwaaxdaasina wax cuntaa, waana sababta keentay qurbaanka iyo cuntada loo dhigo arwaaxdaas, si loo sii xoojiyana waxa loo sameeyay qaab gaara oo loo cuntaysiiyo iyo geeraaro la akhriyo si loo raali galiyo.

Fikirka khuraafadka ku dhisan waxa uu ku suntan yahay in aannu tix galin sababaha cilmiga ah ee dhacdo kasta asteeya, baadi goobkiisuna waxa uu bariinsadaa awoodo dahsoon. Fikirka noocan ah waxa uu ku baahaa bulshooyinka ay ku gadaaman yihiin duruufo dhaqaale xumo iyo mid amni daraba, si ay u helaan xal k**a danbays ah waa in ay cuskadaan awoodo ka sareeya mar haddii aanay aqoon dhaba u lahayn xaaladda la soo daristay. Khuraafadu waa is moodsiinta in aqoon aad u leeday adduunka kugu gadaaman, marka soomalideenna la eeggo khuraafaadka ay aaminsanyihiin Ee ah jin,shaydaan, ill iyo wixii la mid ah ayaa qofkaas asiibay, waxa xaqiiqo ah in aanuu shaydaan qof gelin ama uu wax yeelayn, hadii ay dhici lahayd in shaydaan qof galo ama wax yeelo kale gaadhsiiyo isagoo qof u adeegsanaya wax kasta oo xumaan ah, koonkan shaydaan iyo jin ayaa maamulkiisa qaban lahaa oo inagu adeegan lahaa.
Imaam ibnu Xasam oo kitaabkiisa “farriimaha(3/228)” kaga hadlaya sheegashada in jinku ka dhex hadlo dadka ayaa yidhi:” in jinku ka dhex hadlo dadku markay dhacaan waa beenaha kuwa tuf-sheegtadu alooseen, cida kaliya ee ay ka suurtawdo in ay rumaystaana waa maatida. .

Horumarka bulshadu waxa uu saami gal rogan la yahay adeegsiga khuraafaadka. Horumarka aadamaha iyo aqoontuba waxay udub dhexaad u yihiin irdhinta khuraafaadka iyo kutiri kuteenka aan ku fadhiyin cadaymo maan gal ah. Sababaha wali sii adkaynaya joogitaanka khuraafaadka waxa ka mida:

1- dad badan oo wali aan ka bixin qaab fikirkii duugoobay, kuna fikiriya in dhibaatooyinka haysta sida; xanuunka, gaajada iyo murugadaba aanay ka xayuubin karin awoodo dahsoon mooyee cid kale ba.

2- Si loo buuxiyo baahida naftu u qabto helidda sababta dhacdooyinka awgeed ayaa dadka qaar ugu kadsoomaan khuraafaadka.

Khatarta ugu wayn ee khuraafaadku waxay soo baxdaa marka ay ku dhex milanto diinta. Dhibteeda waxa la dareemaa marka ay isku baddesho shaqo ay ka macaashaan dad gaar ahi. Inkasta oo diinteenna caqliga meeqaamkiisa ay kor u qaadday, haddana wali waxa jira dad aannu u cuntamin oo ku dhaggan khuraafaad.

Bishii May 1904 waxa Magaalada Bradford ee Dalka Britain badhig dhaqameed u tagay dad reer Somaliland ah dad kaasoo ilaa...
07/03/2022

Bishii May 1904 waxa Magaalada Bradford ee Dalka Britain badhig dhaqameed u tagay dad reer Somaliland ah dad kaasoo ilaa 100 qof ka koobnaa waxa la socday nin dhaqtara, nin Suldana bandhigaa oo 5 bilood socday, hadaba waxa xusid mudan 3 shay.
1- in Qof dumara ay ku dhimatay oo magaceeda la odhan jiray Halima Abdi Badel murxuumadaas oo ahayd qofkii muslin ah ugu h**eeyay oo lagu aaso magaaladaas maalin dhawaydna loo aqoonsaday qabri qof muslina halkaasoo Quran lagu qoray. Maqaaladaas oo maanta ah magaalooyinka ugu muslinka badan U.K.
2- in Suldaankii watay kooxdaa inani ugu dhalatay bishi September 1904 Bradford waqtiigaa waxay jaraa'idadu qorayeen in koox somali ah ka banaan baxeen xafiiska Mayarka iyagoo Saluugsan mishahradii iyo baqshiishkii ( Tips ) dadku bixinayeen. Laakiin arinkaa waxaa beeneeyay Maayarkii oo yidhi dad madaxbanaan oo isla wayn ( Proud & Independent ) oo u yimi Train kii ka tagi lahaa dartii. In loo joojiyo.
3- in intii ay carwada dhigayeen in ay soo booqdeen 2.4 Million qof guri Somali ka gubtayna lagu qiimeeyay 300 pounds kadib waxay tageen wadanka Belgium magalada Liege siduu Jaraa'idku xusayo.
Dadkan waxa uu ka koobnaa waxyaabahii ay soo bandhigeen ciyaar soomaali.ciyaar waramo isku tuura.cunto somali.iyo dhaqanka somalida taasoo ay aqalo somali ka dhisteen meelahii ay bandhig dhaqameedka ku qabanayeen.
In kastoo 100 qof ay reer Somaliland ahaayeen hadana dhaqtarkii la socday waxuu qoray nin jarmala ( German ) in uu ahaa makaahiil ( Saad Muuse ).

Indirizzo

Viterbo

Telefono

+252637603184

Sito Web

Notifiche

Lasciando la tua email puoi essere il primo a sapere quando Caabi Dacar pubblica notizie e promozioni. Il tuo indirizzo email non verrà utilizzato per nessun altro scopo e potrai annullare l'iscrizione in qualsiasi momento.

Contatta L'azienda

Invia un messaggio a Caabi Dacar:

Condividi