04/02/2021
Ciidamada booliska ee Magaaladda Garowe ayaa caawa sheegay iney ka hortageen dhacdo foolxun oo la tuhunsan yahay gabadh dhalinyaro ah inay iskhaarajin ama isku dilli lahayd kadib markey BAC kusoo qaadatay baasiin iyo taraq balse nasiib wanaag taraqii ka qooyay sidaas darteedna uu u bixi waayay dabkii kabriidka ama taraqu.
Gabadhaan oo laga helay goob luuq ah oo ku taala mid ka mid ah xaafadaha magaalada GAROWE waxaa hadda lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee dowladda,waxayna sidatay Telefon oo ay ku jiraan labo SIM CARD oo middi yahay Telesom halka kan labaadna GOLIS tahay, magaca ugu qoran labada Card waa Aamino Maxamed Aadan sidaas darteed ciddii aqoon u leh qoyskeeda iyo ehelkeeda waxay kala soo xiriiri kartaa booliska Telefon Number +252 907 748888