Abdirahman Dini - Bakooz-10

Call Directions Contact the business

Abdirahman Dini - Bakooz-10 Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdirahman Dini - Bakooz-10, Photographer, Dambal.

💻Basic Computer Expert
🎨 AI Graphic Designer
🛠️ IT Support & Tech Solutions
🖨️ Printing Services
📸 Photo Studio
📚 Stationary Supplies
⚡ Fast • Reliable • Professional
🌍 One place for all your digital & office needs
📲 WhatsApp: +251908467717

Taariikh Cusub oo Caafimaad oo Danbal ka Dhacday maanta 02/01/2019 New year days.Maanta waxaa Danbal Health Center Magal...
12/09/2026

Taariikh Cusub oo Caafimaad oo Danbal ka Dhacday maanta 02/01/2019 New year days.

Maanta waxaa Danbal Health Center Magalada Danbal ee Degmada Danbal, Gobolka Sitti markii ugu horreysay laga fuliyay qaliin lagu badbaadinayo hooyada iyo ilmaha xilliga dhalmada, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo horumar weyn u ah adeegyada caafimaadka iyo bulshada deegaanka degmada Danbal.

Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u diraynaa dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay in bulshada Danbal ay maanta hesho fursaddan caafimaad ee muhiimka ah, gaar ahaan maamulka, bahda caafimaadka iyo dhammaan intii dadaal iyo taageero ku bixisay hirgelinta adeeggan muhiimka ah.

Mahad gaar ah waxaan u jeedinayaa dhakhaatiirta iyo dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee si xirfad, dadaal iyo masuuliyad leh u fuliyay qalliinkan taariikhiga ah.

Danbal maanta waxay qaaday tallaabo caafimaad oo taariikhi ah.
Alle caafimadka ha u siyaadiyo hooyada iyo ilmaha,
hana ka dhigo adeeggan mid si joogto ah bulshada ugu adeega insha allah. 🤲

📢 OGAYSIIS MUHIIM AHDiiwaangelinta Ardayda ee Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Dugsiga Sare ee Magaalada Danbal way socotaa.🎓 Waa...
07/09/2026

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH

Diiwaangelinta Ardayda ee Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Dugsiga Sare ee Magaalada Danbal way socotaa.

🎓 Waalidiinta iyo ardayda waxaa lagu wargelinayaa in diiwaangelinta ardayda cusub iyo kuwa sii wadaya waxbarashadooda ay hadda ka socoto dugsiyada.

📌 Goobta: Dugsiyada Hoose/Dhexe & Sare ee Magaalada Danbal
📝 Adeegga: Diiwaangelinta Ardayda
📅 Waqtiga: Diiwaangelintu way socotaa.

➡️ Sidaas darteed, waalidiinta iyo ardayda waxaa lagu boorrinayaa inay si degdeg ah uga faa’iidaystaan fursadda diiwaangelinta oo ay yimaadaan dugsiga si ay u dhammaystiraan habraaca diiwaangelinta.

Maamulka Dugsiyada Magaalada Danbal

XOOGWAYNTA DANBAL JR IYO JIGJIGA STADIUMDanbal 3 laanta Hawada 3
31/08/2026

XOOGWAYNTA DANBAL JR
IYO JIGJIGA STADIUM
Danbal 3
laanta Hawada 3

🤝 TABABAR KU SAABSAN MUHIIMADDA NABADDA IYO DIGNIINTA H**E(The Importance of Peace and Early Warning for Conflict Preven...
15/07/2026

🤝 TABABAR KU SAABSAN MUHIIMADDA NABADDA IYO DIGNIINTA H**E
(The Importance of Peace and Early Warning for Conflict Prevention)

Maanta waxaan ka qaybgalay tababar ku saabsan muhiimadda nabadda iyo digniinta h**e ee ka hortagga khilaafaadka{The Importance of Peace and Early Warning for Conflict Prevention.}, kaas oo ka dhacay xarunta Degmada Danbal ee magaalada Danbal, maalinta oo Arbacada ah, taariikhduna tahay 08/11/2018 T.I.

Intii uu socday tababarka waxaan ka doodnay su'aalo iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa nabadda, loo horumarin lahaa wada noolaanshaha bulshada, isla markaana loo adeegsan lahaa digniinta h**e si looga hortago khilaafaadka ka hor inta aysan sii fidin.

Waxaan uga mahadcelinayaa qabanqaabiyeyaasha iyo dhammaan ka qaybgalayaasha fursaddan qiimaha leh. Waxaan rajaynayaa in aqoonta laga kororsaday tababarkan ay gacan ka geysan doonto ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka bulshada degmada danbal.

🕊️ Nabaddu waa saldhigga horumarka, digniinta h**ena waa furaha ka hortagga khilaafaadka.

OGAYSIIS 📢 OGAYSIIS 📢 OGAYSIISDUGSIGA SARE MAGAALADA DANBALWaxaa la ogeysiinayaa dhammaan qaybaha bulshada in ay ka soo ...
13/07/2026

OGAYSIIS 📢 OGAYSIIS 📢 OGAYSIIS

DUGSIGA SARE MAGAALADA DANBAL

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan qaybaha bulshada in ay ka soo qayb galaan xafladda xidhitaanka sanad dugsiyeedka 2018 T.I iyo munaasabadda abaalmarinta macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta hormuudka ah ee dadaalka iyo waxqabadka wanaagsan muujiyey.

Xafladdu waxay qabsoomaysaa:

Maalinta: Arbacada
Taariikhda: 08/11/2018 E.C

Waxaan dhammaan bulshada ku boorrinaynaa ka soo qaybgal wanaagsan, si aynu u dhiirrigelinno una garab istaagno kuwa dadaalka ugu muuqda waxbarashada iyo horumarka dugsiga.

Mahadsanidiin.

Maamulka Dugsiga Sare Magaalada Danbal

Hambalyo Meher WanaagsanWaxaan hambalyo  kal iyo laab ah u dirayaa walaashay Suhuura Ali Abadir iyo saygeeda Abshir Abdi...
29/06/2026

Hambalyo Meher Wanaagsan
Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa walaashay Suhuura Ali Abadir iyo saygeeda Abshir Abdilahi Nour, oo meherkooda barakaysan dhacay maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 29/June/2026 U.C, kana dhacay Masjid Baabul-Rahma.
Waxaan Alle (SWT) idiinka baryayaa inuu meherkiinna ka dhigo mid kheyr, barako, jacayl iyo naxariis ku dhisan. Ilaahay ha idinka yeelo lammaane is fahma, is jecel, oo ku wada noolaada farxad iyo xasillooni, kana dhigo guri ay ka buuxaan barako iyo ubad suuban.
Hambalyo, hambalyo mar kale! Alle ha idiin barakeeyo, hana idin waafajiyo nolol guur oo wanaagsan, Aamiin. 🤲💐

Mahadsanidiin Dr M***a Ahmed iyo Eng Abdifatah Xaji Omer Aare
29/05/2026

Mahadsanidiin Dr M***a Ahmed iyo Eng Abdifatah Xaji Omer Aare

Ku soo dhawaada Degmada Danbal, Mudane Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahin Cismaan Faarax, kuna soo dhawaw magaal...
21/05/2026

Ku soo dhawaada Degmada Danbal, Mudane Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahin Cismaan Faarax, kuna soo dhawaw magaalada Xadaarada ,Midnimada iyo isjacaylka, iyagoo gacmo furan kugu soo dhawaynayaan guud ahaan bulshada Danbal.

Ragan Haka shikin waligaa Danbal Team Guulaysta
24/01/2026

Ragan Haka shikin waligaa
Danbal Team Guulaysta

Address

Dambal

Telephone

+251916232024

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman Dini - Bakooz-10 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirahman Dini - Bakooz-10:

Shortcuts

Share

Category