09/04/2026
Kulanka Garabka Dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo ee gobolka shabele ayaa ka qabsoomay xafiiska garabka dhalinyarada
Kulankan waxaa ka soo qayb galay
Madaxa Arrimaha siyasada Xisbiga Barwaaqo & hoggaaminta Garabka Dhalinyarada ee gobalka shabele Waxaa kulanka si rasmi ah u furay Madaxa Arrimaha siyaasada Xisbiga Barwaaqo ee gobolka shabele Mudane oo hoggaaminta kula dardaarmay inay kaalin muuqata ka qaataan shaqooyinka socda, isla markaana door weyn ka ciyaaraan doorashada 7aad e dalka iyo hormarin adeg bixinta
Sidoo kale, waxaa hadallo dhiirigelin iyo dardaaran isugu jira soo jeediyay Madaxa Garabka Dhalinyarada gobolka shabele Mudane Ugu dambayn, hoggaaminta Garabka Dhalinyarada ayaa ballan qaaday inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka saaran, ahaadaan hoggaan u taagan horumarinta iyo guusha howlaha xisbiga.
Hindi Studio & Photography