05/09/2026
Waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Soomaalida soo gaadhay wafdi balaadhan oo isugu jira masuuliyiin sare oo ka socda wasaaradaha kala duwan ee federaalka iyo qaar ka mid ah maalqabeenada dalka oo ka kooban sektaro kala duwan.
Wafdiga ayaa markii ay soo gaadheen Garoonka Diyaaradaga ee Garaad Wiil Waal ee magaalada Jigjiga si diiran ugu qaabilay masuuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka DDS Mudane Axmed Shugri, Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS Mudane Maxamed Aadan, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Madaxwaynaha DDS Mudane Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka imaatinka wafdigan ayaa daaran kormeer iyo indho'indhayn ku aadan horumarka ka hanaqaaday Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda iyo sidoo kale u kuurgalida fursadaha maalgashi ee ka jira Deegaanka
Maxamuud Dhuuxwayne