Yaxye dholayare

Yaxye dholayare afka hooyo waa hodan
hiddaheenu waa hawr
inagaa halaynoo
hilimada ka owdnee
waa haybad gooniya

01/06/2024

Qofba maalin uun buu hela marinka guuleede

Oo uu martabadiis helaa meel nagaashalahe

Ha muquuran waayaha marbad heli mugaagiiye

17/04/2024
17/04/2024

Waligaa macnawi ma noqotay murqaan aawadii ☆sheeko qosol badan

15/04/2024

Deeq illaah ku siiyaan
Laguu diidi karinoo
Dadnimadu ma guurtoo
Ma duugowdo garashadu

06/07/2023

Ninba meesha doogtaleh
Ama nabar daloolaa
Duudkiisa kaga yaal
Isagay damqanaysa

Ana doorkan maanta ah
Baylahdayda dagan baa
Sii xulaysa duurkoo
Dugaag bay u halis tahay

Soo dabaalisteedii
Daynbay horyaaloo
Dunuunuca naftayda
Hadba soo dalacaysee

Wax awoodi diidoo
Dani kaa hor joogtaa
Dul ka dhawris mooye
Ileen soo duweey ma leh

Shareeradan daboolka ah
Erayadan didibaa xidhan
Een daah xariiriyo
Ku sakimay dabool adag

Waxan uga dan leeyahay
Yaa dareemi kara kow?
Dabarkeeda furi kara ?
Daalacan ka dhigi kara ?


Waryaa ala yaqaan oo na fahma hadaba kuwa horaa laga raacaye

Naftaydan dayowdaye Dareenku lugooyayeeyAdaa dacar muudsadoo Sun iyo deebaq jantee Adaa doogahan kiciyo Dalbaday duradiy...
03/07/2023

Naftaydan dayowdaye
Dareenku lugooyayeey
Adaa dacar muudsadoo
Sun iyo deebaq jantee

Adaa doogahan kiciyo
Dalbaday duradiyo dhibte
Digtoor boogaha dhayiyo
Miyaan dawo kuu hayaa

Adaa dibadow baxoo
Daleedda wareegayee
Hadaanad dantaa aqoon
Maxaad u dunuunucdaa

Adaa danbarsaday huqdoo
Doolaaladu waa balee
Qalbigaa daasad kaa galee
Miyey dumar kula hayaan

Arinba allaale 🤔🤔

Adresse

Erlenbach Am Main

Telefon

+905013320291

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Yaxye dholayare erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Yaxye dholayare senden:

Teilen

Kategorie