Banaadir-Production

  • Home
  • Banaadir-Production
Call Website

Banaadir-Production Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Banaadir-Production, Fotograf, .

BANAADIR PRODUCTION waa shirkad kuu qaban doonto adeegyo badan oo ay ka mid yihiin xayeeysiinta ganacsigaaga, duubida xaflada,aroosyada, shirarka,dhalashooyinka iwm muhiimadeenuna waa qanacsanaantada .

25/10/2026

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa farxad iyo dabaal dag ku soo dhaweeyay. Ciidanka ayaa marka ay fasaxooda dhamaystaan ku laaba doona Xananbuure halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidankii ay tirsanaayeen.

 :Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta kulan la yeeshay ganacsatad...
25/10/2026

:Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta kulan la yeeshay ganacsatada beeraleyda Soomaaliyeed, kulankaan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wax soosaarka beeraha, helitaanka suuqyada cusub iyo xoojinta fursadaha ganacsi ee wax soosaarka gudaha dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay fursadaha ka dhalan kara suuqa cusub ee Dowladda Cumaan ay dhawaan qorsheyneyso inay furto, kaas oo ganacsatada Soomaaliyeed la siin doono fursad ay ku soo bandhigaan wax soosaarka gudaha dalka, Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo jeediyay in la sameeyo guddi iskaashi kaas oo ka kooban Wasaaradda iyo ganacsatada beeraleeyda u qaabilsan suuq geynta iyo iibinta wax soosaarka., tallaabadan ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka ka dhexeeyo wax soosaareyaasha iyo suuqyada, isla markaana fududeyso helitaanka suuqyo joogto ah.

Wasiirka ayaa sheegay muhiimada ay leedahay helitaanka suuqyo lagu iibiyo wax soosaarka beeraha, maadaama dalab suuq oo joogto ahi dhiirrigelin karo beeraleyda, kordhin karo wax soosaarka gudaha, isla markaana abuuri karo fursado dhaqaale iyo shaqo abuur hor leh.

Kulankaan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax soosaarka beeraha, xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, laguna ballaarinaayo suuq-geynta wax soosaarka Soomaaliyeed, si dalka u gaaro isku filnaansho cunto iyo koboca dhaqaale.

Dhuusamareeb: Hogaamiyaha Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo uu wehliyo Hogaamiye Ku-xigeenka Galmudug, M...
24/10/2026

Dhuusamareeb: Hogaamiyaha Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo uu wehliyo Hogaamiye Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Galmudug.

Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha maaliyadeed, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo horumarinta habsami-u-socodka shaqada hay’adaha maaliyadeed ee Dowladda Galmudug.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada hoggaanka cusub ee Galmudug uu ku xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayeynta howlaha dowladnimo.

Hogaamiyaha iyo Kuxigeenka Hirshabeelle oo la Magacaabay.
24/10/2026

Hogaamiyaha iyo Kuxigeenka Hirshabeelle oo la Magacaabay.

 :Hay’adda  Fasaxa  Dhismaha Kenya (NCA) ayaa sheegtay in mashruuca dhismahan la diiwaangeliyey 30-kii Luulyo 2025, iyad...
24/10/2026

:Hay’adda Fasaxa Dhismaha Kenya (NCA) ayaa sheegtay in mashruuca dhismahan la diiwaangeliyey 30-kii Luulyo 2025, iyadoo lagu diiwaangeliyey Lambarka Tixraaca Dhulka 36/II/40, Waddada 9-aad, Eastleigh.

Yaa leh dhismaha ku bur buray Eastleigh?

NCA waxay sheegtay in shirkadda horumarinta dhismaha 9th Street Plaza Limited, ay lee dahay Mashruuca, halka shirkadda qandaraaska dhismaha ay fulinaysay ay tahay Stromax Holdings E.A Limited.

Injineerka Naqshadeeyaha dhismaha ayaa lagu sheegay Emmanuel Mwangi Maina, halka injineerka qaab-dhismeedka uu yahay Joseph Muturi Mugu.

Agaasimaha Fulinta, Marwo Susan Rutto, ayaa sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlaha samatabbixinta iyo xaaladda goobta la soo saari doono marka ay waqtigeeda la gaaro

 :Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh. iyo Wafdiga u...
24/10/2026

:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh. iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa goordhoe gaaray Jowhar, halkaas oo ay maanta ka dhacayso doorashada Hoggaanka Hirshabelle.

Wasiirka iyo Wafdigiisa waxaa halkaas kusoo dhoweeyey Wasiirro iyo ma’uuliyiinta ka socda Hirshabelle.

 ;Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan Wasiirrada Amniga Gudaha, Arrimaha Gudaha, Warfaafi...
24/10/2026

;Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan Wasiirrada Amniga Gudaha, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Kalluumeysiga iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdigan ayaa ka qayb galaya doorashada Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 :Wixii Cagolow iskaga Caraar   Waqooyi Bari Waa Ruqaansaneysaa  Qaybta 26 Oo Tagidoonta  Taliskii  Ganeral  Cabdi Casii...
24/10/2026

:Wixii Cagolow iskaga Caraar Waqooyi Bari Waa Ruqaansaneysaa Qaybta 26 Oo Tagidoonta Taliskii Ganeral Cabdi Casiis Cali Bare Ee Burco iyo Taliskii Ganeral Gaani Ee Hargeysa Shacabku Waa U Heloobeyn Ciidankoodii Somaliyed Waxeyna U Diyaar Yihiin Soodhaweynta Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Yagoo Hada Wax Badan Fahmey in Somaliya Somaliya Tahey Beentii iyo Wixii Loosheegi Jirana Soodhamaadeyn Dalkana Aan Cidi Kala Gonyka Reyn Markaa Waxaan Farayaa Ciidanka in Ay Sifiican Uladhaqmaan Shacabkooda Waqooyi Galbeed Somaliya Ok WABILAAHI TOWFIIQ..

 :Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ferhat al...
22/10/2026

:Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ferhat alkan oo ah Safiirka cusub ee Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya.

Kullanka ayaa looga hadlay xiriirka iskaashi , derder-gelinta tababarada , qalabaynta iyo horumarinta Ciidanka Boliiska oo qeyb ka ah doorka walaalnimo ee dawladda Turkigu ku garab joogto Dawladda Soomaaliya .

HAMBALIYO HOGAAMIYE KUXIGEENKA GALMUDUG MUDANE ABDİWELI GARYARE Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraya Hogaamiye  kuxigee...
22/10/2026

HAMBALIYO HOGAAMIYE KUXIGEENKA GALMUDUG MUDANE ABDİWELI GARYARE

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraya Hogaamiye kuxigeenka la doortay ee Galmudug, Mudane Abdiweli Ibrahim Garyare oo loo doortay hoggaaminta Dowlad Goboleedka Galmudug 5 ta sano ee soo socota.

Waxaan leeyahay Ilahay xilka ha kugu asturo waxanan ku kalsoonahay in aad si hufaan uga soo bixi doonto masuliyada weyn ee lagu doortay.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banaadir-Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed photography service?

Share