Banaadir-Production

  • Home
  • Banaadir-Production

Banaadir-Production Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Banaadir-Production, Fotograf, .

BANAADIR PRODUCTION waa shirkad kuu qaban doonto adeegyo badan oo ay ka mid yihiin xayeeysiinta ganacsigaaga, duubida xaflada,aroosyada, shirarka,dhalashooyinka iwm muhiimadeenuna waa qanacsanaantada .

 :Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal...
02/09/2026

:Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda, si waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, loona dardargelin lahaa shuruucda mudnaanta u leh howlaha Qaran ee horyaalla Golaha.

02/09/2026

"Wiilashii Jabhadaha ahaa ee Puntland lagu abuuray intii dowladda ku biirtay maahee kuwii kale ayaa badda koray oo burcad-badeed noqday"Xil Saadaam

 :Wafdi heer caalami ah oo ka socday hay’adda World Vision International iyo hay’adaha bah-wadaagta ah ayaa gaaray degma...
02/09/2026

:Wafdi heer caalami ah oo ka socday hay’adda World Vision International iyo hay’adaha bah-wadaagta ah ayaa gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen maamulka degmada.

Guddoomiyaha degmada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin (Xaaji Maaji), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigan, waxaana halkaasi lagu yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay xaaladda adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada gargaarka iyo caafimaadka.

Intii ay wafdigu ku sugnaayeen magaalada Afmadow, waxay booqdeen xarumaha caafimaadka degmada, iyagoo u kuurgalay adeegyada caafimaad ee halkaasi ka socda iyo adeegyada cusub ee lagu soo kordhiyey.

Wafdigu waxay sidoo kale warbixinno ka dhagaysteen maamulka degmada Afmadow, gaar ahaan xaaladda guud ee bulshada iyo baahiyaha jira. Kulamada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya maamulka degmada iyo hay’adaha samafalka, gaar ahaan howlaha gargaarka, caafimaadka iyo taageerada bulshada.

Booqashada wafdigan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka degmada Afmadow, iyadoo la filayo in wada-shaqayntu ay gacan ka geysato horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Iran oo war kasoo saartay weerarka ay kuqaaday saldhigga mareykanka ee imaaradka Carabta.Bayaanka ayaa lagu yidhi "Ka ja...
02/09/2026

Iran oo war kasoo saartay weerarka ay kuqaaday saldhigga mareykanka ee imaaradka Carabta.

Bayaanka ayaa lagu yidhi "Ka jawaabidda weerarradii Mareykanka ee shacabkeenna lagu beegsaday, waxaynu ku bartilmaameedsannay xarumaha cadowgeenna ee ay Al-Dhafra ugu weyntahay, kuwaas oo denbiilayaasha Mareykanku u adeegsadaan fulinta howlgalladooda gobolka, qorshayaasha sahan iyo kaalmo ee dhaq-dhaqaaqyadooda kuwaas oo ay usameysteen si ay udhibaateeyan dadkeenna"

Saldhigyadan ay burburisay iran ayaa lagu magacaabaa Al-Dhafra iyo Al-Minhad kuna yaala imaaradka Carabta.

  ka mid ah Warbaahinta Calamka oo Sidaan Qortay:Nin Soomaali ah ayaa dhexdhexaadiyay isbahaysi u dhexeeya laba kooxood ...
02/09/2026

ka mid ah Warbaahinta Calamka oo Sidaan Qortay:
Nin Soomaali ah ayaa dhexdhexaadiyay isbahaysi u dhexeeya laba kooxood oo argagixiso ah oo ku hanjabay inay sii carqaladeyn doonaan suuqa saliidda Adduunka.
Ninkaan ayaa ku jiray bishii malabka markii uu Mareykanku ku daray magaciisa Liiska Argagixisada.

01/09/2026

Somaaliya oo Saciid Deni ku eedeysay in uu Burcad Badeeda Taageero.

01/09/2026

Dhulboobkii ugu darnaa oo saakay ka socda Suuq Boocle. Ganacsatada masaakiinta oo iyagoo aan fileynin halmar cagaf la dhexgaliyay.

 :Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, Shirkan ayaa looga hadlayaa xoojinta amniga guda...
01/09/2026

:Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, Shirkan ayaa looga hadlayaa xoojinta amniga gudaha, horumarinta hay’adaha amniga, iskaashiga hay’adaha dowladda, adkeynta amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxaa ka qeybgalaya Shirkan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu sareeyo Ku-simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Saraakiil Ciidan, masuuliyiinta amniga ee Dowlad Goboleedyada, Qubaro dhanka Amniga ah iyo Wakiilo ka socda beesha Caalamka.

01/09/2026

Gobolka Banaadir oo 1000 kun Boos ubalanqaadey Dadka Laga Barakiciyey dhulka Dowlada.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banaadir-Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Photography Service?

Share