SomPulsemedia

SomPulsemedia Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SomPulsemedia, Photography Videography, Mogadishu.

11/02/2026

Hamza Abdi Barre Sayidka Noool Guulayso raysalwasaare 🫡💪

9 Bari kadib markii kala wareega ladhahay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, waxay Muqdisho imaanayaan iyaga oo ka jilcan si...
10/02/2026

9 Bari kadib markii kala wareega ladhahay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, waxay Muqdisho imaanayaan iyaga oo ka jilcan sidii h**e ogaadeyna runta iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Deni iyo Madoobe dadku waa fahmeen ee goormay garowsan donaan in la fahmay.

Dalalka Soomaaliya iyo Koonfur Suudan ayaa noqday dalalka ugu musuq maasuqa badan Caalamka iyaga oo galay kaalinta koowa...
10/02/2026

Dalalka Soomaaliya iyo Koonfur Suudan ayaa noqday dalalka ugu musuq maasuqa badan Caalamka iyaga oo galay kaalinta koowaad iyo kaalinta labaad ee adduunka oo dhan dhinaca musuq maasuqa. Soomaaliya ayaa gashay kaalinta labaad halka kaalinta koowaadna uu galay dalka Koonfur Suudaan, sida ku cad warbixin ay maanta oo Salaasa ah sii daysay Transparency International.

Labadan waddan ee dhaca Geeska qaaradda Afrika ayaa dhawaan dawladda Maraykanku ku eedaysay in ay boobeen gallay loogu tala galay dadka tabaalaysan inkasta oo Soomaaliya soo celisay qaantii loo qabsaday ka dib cadaadis xooggan oo kaga yimi dhinaca dawaldda Maraykanka.

Xigasho TV

Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada gargaarka ee ay siiso Dawladda Federaalka Soomaaliya.Arrintan ay...
07/01/2026

Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada gargaarka ee ay siiso Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kaddib markii; ay soo if baxeen wararka sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar ay maalgelisay Dowladda Maraykanka oo ay lahayd Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), isla markaana si sharci-darro ah u qabsadeen 76 tan oo gargaar cunto ah oo deeq-bixiyayaashu ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee nugul.

Maamulka Trump ayaa sheegay in aanu wax dul-qaad ah u lahayn khasaarinta, xatooyada, iyo marin-habaabinta gargaarka naf-badbaadinta ah, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay dawladda Maraykanka.

Dib-u-bilaabista gargaarka Maraykanku joojiyay waxay ku xidhnaan doontaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadato masuuliyadda arrintaasi, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin ku habboon oo wax-ka-qabasho ah

30/12/2025

somali baa Leh 🇸🇴

Deg-Deg Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdimalik Al-Xuuti ayaa hadal uu soo saaray sida ay baahisay Al Jazeera, wuxuu ...
29/12/2025

Deg-Deg Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdimalik Al-Xuuti ayaa hadal uu soo saaray sida ay baahisay Al Jazeera, wuxuu yiri ; “Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Soomaaliya inuu yahay bartilmaameed sharci ah , waxaana beegsan doona ciidankeenna.”

Waa hanjabadii u horreysay oo ka dhan ah Somaliland oo ay soo saarayaan Xuutiyiinta, tan iyo markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, iyadoo warbaahinta Israa’iilna ay maanta baahisay in xiriirka Israa’iil ay la yeelanayso Somaliland u fududeynayo ciidanka cirka Israa’iil inay ka fuliyaan gudaha Yemen— weerarro ka horumarsan weerarradii h**e ee Israa’iil ay ka geysatay goobaha ay Xuutiyiintu maamullan ee Yemen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labada gole ee Baarlamaanka u sheegay ; “ Dhibaatada uu Soomaaliya u geystay Netanyahu h**e...
28/12/2025

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labada gole ee Baarlamaanka u sheegay ; “ Dhibaatada uu Soomaaliya u geystay Netanyahu h**ey nooma soo marin…. Soomaaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya , waxaana qaadayna tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed oo aan ku difaaceyno midnimadeena— dunidda waxaan u sheegeynaa inan diyaar u nahay inan la xaajoono Somaliland oo aan xallino khilaafkeenna… Madaxweyne Cirro waxaan leeyahay shacabka gobollada waqooyi jiho khaldan ha u riixina, hana u horseedina masiir mugdi ah.”

Hamza Abdi Barre 'iisul wasaare Xamse "Waxaan diyaar u nahay in aan difaacno dalkeena hooyo iyo midnimadeena"
28/12/2025

Hamza Abdi Barre 'iisul wasaare Xamse "Waxaan diyaar u nahay in aan difaacno dalkeena hooyo iyo midnimadeena"

 Somalia  Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya waa mid mana lakala jari karo
27/12/2025

Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya waa mid mana lakala jari karo

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan: "Aqoonsiga Israel sheegtay in ay siisay qayb ka mid ah Soomaaliya waa hal bacaad lagu lisay...
27/12/2025

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan: "Aqoonsiga Israel sheegtay in ay siisay qayb ka mid ah Soomaaliya waa hal bacaad lagu lisay iyo waxaan marnaba suurto geleyn.

Dawladda Soomaaliya marna gorgortan k**a geleyso ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dalkeena, waana waajib dastuuri ah oo aan cidina inkiri karin.

Waxaa naga go’an in aan tacab walba gelinno sidii loo sugi lahaa wadajirka, midnimada iyo madaxbannaanida qarankeena, innaga oo u marayna wadiiqooyin kala duwan

Address

Mogadishu
08927

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SomPulsemedia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share