21/06/2026
Alxamdulillaah, maanta oo taariikhdu tahay 21 Juun 2026, oo ku beegan Maalinta Aabbaha Adduunka (Father’s Day), Alle wuxuu aniga iyo xaaskeyga nagu mannaystay gabadheenna curadda ah ee Sidra Sharmake Abdinor, kuna dhalatay dalka Netherlands.
Waxaan Alle uga mahadcelinayaa nimcaddan weyn iyo farxaddan aan la soo koobi karin. Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa xaaskeyga qaaliga ah dulqaadkii, geesinimadii iyo xanuunkii ay usoo martay dhalashada gabadheenna.
Maanta oo ah maalin gaar ah oo aabbanimo lagu xuso, waxaa ii noqotay farxadda ugu weyn ee noloshayda inaan noqdo aabbe.
Alle ha barakeeyo Sidra, hana ka dhigo gabar suuban oo indho-qabow noo noqota, kuna korta caafimaad, iimaan iyo kheyr badan.
Aamiin.