25/07/2022
" Abuurta Alle ayaa la igu faquuqay , Masjidka Hortiisa Anigoo Jiifa ayaa ul la igu Kiciyey , Ma Haysto Guri aan seexdo , Habeenkii Darbiyada ayaan seexdaa , Dadka Qaar Waxay idhahaan Abtigaa ayaa ku Habaaray Balse aniga Abtigay ima Habaarin , allah ayaa sidaan igu Abuuray , Caruurta Wadada Maraya iyaguna Waa Waalantahay ayey idhaheen weyna idilaan Markasta "
Qoraxda iyo iftiinka uma Adkaysan Karo oo wey idhibayaan , Nabarada Jirkayga Kuyaala Qoraxda Kulul ayaa sabab u ah , Dhaqaale aan isku Daweeyo Ma haysto , Hooyo iyo aabena Waxaan uga soo Tagay Gobolka Hiiraan , Iyaguna Ma haystaan wax ay igu daaweeyeen , Muqdisho Waxaan u imid si aan Nolol Fiican uhelo , Balse Wali Intii aan Filayey Ma Helin oo Darbiyada ayaan Seexdaa
Degmada Xamar weyne ayaan Joogaa Halkaas ayaan Ka Qaraabtaa , Roobka Habeenkii iyo Maalinkii Socda Korkeyga ayuu ku Dhamaadaa , Meel aan ka Galo ma Haysto
Dadka Qaar waxay ileeyihiin ha iisoo dhawaanin , Abuurta alle Darteed ayaa la iitakooray
Sidaas Waxaa Yiri Bile Cilmi Oo kunool Magaalada
Muqdisho | Sii Share Garee..
W/Q: Ak