Saxafi Cabdiraxmaan Axmed

Saxafi Cabdiraxmaan Axmed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Saxafi Cabdiraxmaan Axmed, Photography Videography, cabdiraxmaanaxmedxuseen@gmail. com, Hargeisa.

Booliska Gobolka Sool oo gacanta ku dhigay darawalkii gaadhiga jiidhay hooyo aan weli la aqoonsan=========Laascaanood:Ta...
26/08/2026

Booliska Gobolka Sool oo gacanta ku dhigay darawalkii gaadhiga jiidhay hooyo aan weli la aqoonsan
=========

Laascaanood:Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool ee Waqooyi Bari ayaa gacanta ku dhigay darawalkii gaadhiga jiidhay hooyo maanta shil ku gashay waddada Saleebaan Yare looga d**o laamiga weyn, ka soo horjeedka Kaalinta Shidaalka Bootaanka Galbeed.

Hooyada dhaawacantay ayaa hadda lagu dabiibayaa Cusbitaalka Shaafi, waxaana xaaladdeeda lagu sheegay inay koomo ku jirto .Ilaa hadda lama aqoonsan hooyada, ehelkeedana lama hayo.

Taliska Boolisku wuxuu bulshada ka codsanayaa in cid kasta oo garanaysa hooyadan ama ehelkeeda ay si degdeg ah ugu soo hagaajiso Cusbitaalka Shaafi, ama la xiriirto laamaha Booliska ee ugu dhow.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin ku s...
26/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin ku saabsan korodhka qiimaha shidaalka iyo saamaynta uu ku yeeshay nolosha bulshada, sicirka maciishadda iyo sarrifka Shillinka Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in dalka uu soo gaadhay shidaal badan oo batrool ah, halka naaftaduna ay soo socoto, taasi oo wax weyn ka beddeli doonta korodhka qiimaha shidaalka iyo xasillinta sicirka suuqa shidaalka.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay tallaabooyinka ay Wasaaraddu waddo, oo ay ka mid yihiin la socodka suuqyada, wada-shaqaynta ganacsatada shidaalka, hubinta helitaanka shidaalka iyo ka hortagga korodhka aan salka ku hayn xaaladda dhabta ah ee suuqa

Hal qof ayaa geeriyooday, Lix kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay duleedka galbeed ee Gabiley.
26/08/2026

Hal qof ayaa geeriyooday, Lix kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay duleedka galbeed ee Gabiley.

Madaxweynaha JSL oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa dalka dib ugu soo laabtay.
15/08/2026

Madaxweynaha JSL oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Diyaarad drone ah ayaa beegsatay markab keydiya gaaska oo uu leeyahay Mareykanka kaasi oo ku sugnaa dekedda Damietta ee ...
30/07/2026

Diyaarad drone ah ayaa beegsatay markab keydiya gaaska oo uu leeyahay Mareykanka kaasi oo ku sugnaa dekedda Damietta ee ku taalla Masar. Warkan waxaa xaqiijiyey shirkadda ammaanka badaha ee Ambrey oo sheegtay in weerarku ka dhacay badda Mediterranean-ka. Shirkadda adeegyada dekedaha ee Inchcape ayaa iyana sheegtay in laba markab oo gaaska keydiya uu dab ku qabsaday dekedda Damietta. Markabka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Energog Winter, iyadoo wararku sheegayaan in dabka ka kacay uu ku faafay markab kale oo lagu magacaabo Gaslog Salem, sida ay warisay warbaahinta TRT ee Turkiga.

Senator-ka laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Maraykanka, Ted Cruz, ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ma...
30/07/2026

Senator-ka laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Maraykanka, Ted Cruz, ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, inuu Jamhuuriyadda Somaliland u sameeyo qiimayn amni iyo talo socdaal oo u gaar ah.

Bayaan uu Senator Ted Cruz soo saaray oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayuu ku sheegay in talada socdaal ee hadda ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku dabaqdo Soomaaliya ay si isku mid ah u saamaynayso Somaliland, inkasta oo xaaladda amni, siyaasaddeed iyo maamul ee Jamhuuriyadda Somaliland ay aad uga duwan tahay tan ka jirta Soomaaliya.

Sida uu xusay Senator-ku, digniinta heerka afraad ee "Ha u Safrin" ee Maraykanku ku dabaqo Soomaaliya ay ku sallaysan tahay arrimo ay ka mid yihiin dambiyada, afduubyada, argagixisada, qalalaasaha, xaaladaha caafimaad, miinooyinka, budhcad-badeedda iyo dhibaatooyin kale oo amni. Hase yeeshee, wuxuu tilmaamay in qiimayntaas aanay ka tarjumayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal gaar ah oo iskii isku maamula.

Ted Cruz ayaa sheegay in Somaliland muddo ka badan soddon sanno ay ahayd waddan leh maamul iskiis u shaqeeya, xasillooni siyaasaddeed iyo hannaan dimuqraadi ah. Waxa uu xusay in tan iyo sannadkii 2003 ay Somaliland qabatay doorashooyin isdaba joog ah oo nabad ku dhacay, isla markaana si dimuqraadi ah loogu kala wareegay talada.

Waxa kaloo uu tilmaamay in Somaliland ay tahay saaxiib amni iyo diblomaasiyaddeed oo lagu kalsoon yahay, kana qayb qaadata horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Senator Cruz ayaa sheegay in siyaasadda hadda jirta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay si khaldan ula dhaqmayso Somaliland, isagoo ku dooday in lagu daray xaalado amni-darro iyo qalalaase oo aan ka jirin dhulka Somaliland. Waxa uu sheegay in siyaasadani ay dirayso farriin aan habboonayn oo muujinaysa in saaxiibbada ugu kalsoonida badan ee Maraykanka loola dhaqmo si la mid ah meelaha ugu nugul amniga.

Waxa uu intaa ku daray in siyaasaddan ay caqabad ku tahay maalgashiga shirkadaha Maraykanka ee Somaliland, isla markaana ay adkaynayso socdaallada iyo hawlaha rasmiga ah ee dawladda Maraykanku ka fuliso Somaliland.

Senator-ku waxa uu ku dooday in hab gaar ah loogi isticmaali karo shuruucda dhinaca socdaalka ee Somaliland, maadaama xaaladdeeda amni iyo maamul ay si cad uga duwan tahay tan Soomaaliya inteeda kale.

Ugu dambayn, Ted Cruz ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka in si degdeg ah loo bilaabo qiimayn amni isla markaana Somaliland loo sameeyo talo socdaal oo u gaar ah.

Ted Cruz wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay siin doonto muwaadiniinta Maraykanka xog sax ah oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee Somaliland, isla markaana ay xoojin doonto iskaashiga u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah saaxiibbada ugu kalsoonida badan ee Maraykanka ku leeyahay Geeska Afrika.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa sameeyay tababar muhiim ah.Sida la...
26/07/2026

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa sameeyay tababar muhiim ah.

Sida lagu baahiyay baraha bulshada ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ciidanku sameeyeen tababar ku saabsan maaraynta saadka iyo diyaar-garowga hawlgallada gargaarka bani’aadantinimo iyo ka jawaabista musiibooyinka degdegga ah, kaas oo lagu qabtay nawaaxiga magaalada Hargeysa.

‎Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaya Ciidammada Saaxiibbada caalamiga ah ee Somaliland, ayaa sameeyey tababarkan oo ahaa mid lagu xoojinayey isku dubbarididda hawlgallada, hagaajinta qorshaynta saadka, wuxuuna adkaynayaey sida ay ciidanka qaranka Somaliland uga go’an tahay diyaar-garowga qaran iyo xasilloonida gobolka.

‎Tababarkani wuxuu ka turjumayey xirfadda iyo hufnaanta Ciidanka Qaranka Somaliland, ee u diyaargarowga hawlaha muhiim ka u ah Amniga iyo Bad-qabka la xidhiidha.

‎Waxa kale oo uu sii xoojinayaa awooddiisa buuxda ee uu kaga jawaabi karo baahiyaha mustaqbalka ee la xidhiidha gargaarka bani’aadantinimo iyo gurmadka marka ay dhacaan musiibooyinku.

Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Shaqaalaha Ka Hawlgala Dekedda Berbera..Maareeyaha Hay’adda D...
26/07/2026

Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Shaqaalaha Ka Hawlgala Dekedda Berbera..

Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa kulan ballaadhan la qaatay shaqaalaha ka hawlgala gudaha Dekedda Berbera.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta badqabka iyo badbaadada shaqaalaha, gaar ahaan xilligan oo lagu jiro xilliga dabaylaha ee xagaaga, kaas oo u baahan taxaddar dheeraad ah iyo in la adkeeyo tallaabooyinka badbaadada goobta shaqada.

Maareeyuhu waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay inay si buuxda u ilaaliyaan xeerarka iyo habraacyada badbaadada, si loo xaqiijiyo badqabka shaqaalaha iyo habsami-u-socodka hawlaha Dekedda Berbera.

Maayirkii h**e ee Berbera iyo ku-xigeenkiisii ayaa ka hadlay iscasilaaddooda, iyaga oo uga mahadnaqay Madaxweynaha Somal...
25/07/2026

Maayirkii h**e ee Berbera iyo ku-xigeenkiisii ayaa ka hadlay iscasilaaddooda, iyaga oo uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland

Maamulka magalada Jigjiga oo bulshada uga tacsiyeeyay shilkii caawa ka dhacay magalada Jigjiga fariintan hoose baahiyay....
22/07/2026

Maamulka magalada Jigjiga oo bulshada uga tacsiyeeyay shilkii caawa ka dhacay magalada Jigjiga fariintan hoose baahiyay.

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada, qaraabada iyo dhammaan bulshada ay saamaysay shilka gaari ee caawa ka dhacay Xaafadda 10-aad ee Magaalo-hoosaadka Kamarda.

Sida xogta hordhaca ah ee la helay, shilkaas waxaa ku naf waayey 8qof, halka ay jiraan dhaawacyo kale. Waxaan Alle SWT uga baryeynaa intii geeriyootay inuu u naxariisto, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, dhaawacyadana uu siiyo caafimaad degdeg ah, ehellada iyo qoysaskoodana ka siiyo samir iyo iimaan.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa dhammaan darawallada iyo isticmaalayaasha waddooyinka inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka, isla markaana mudnaanta siiyaan badbaadada nafta iyo hantida bulshada.

Alle ha u naxariisto intii geeriyootay, caafimaad degdeg ahna ha siiyo dhaawacyada.

Badbaadada waddooyinku waa masuuliyad wadajir ah.

Address

Cabdiraxmaanaxmedxuseen@gmail. Com
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saxafi Cabdiraxmaan Axmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share