14/06/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa soo xidhay kulan lagu soo gabagabaynayay isla markaana lagu lafagurayay Siyaasadda Nafaqada iyo Sugnaanta Cuntada ee Heer Qaran, kaas oo muddo socday.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, Beeraha iyo Deegaanka, xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay sida WHO, UNICEF iyo WFP, iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee Save the Children, World Vision, Alight, iyo hay’adda maxalliga ah ee ACRIF.
Sidoo kale kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maanka, Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha, iyo dhammaan madaxda xafiisyada kala duwan ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada iyo Madaxa Nafaqada iyo Sugnaanta Cuntada ee Heer Qaran ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay leedahay siyaasaddan, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, iyo qorshaha mustaqbalka ee lagu hirgelinayo si ay u noqoto mid wax ku ool ah.
Waxa sidoo kale hadallo ka jeediyay wakiillo ka socday wasaaradaha kala duwan, halka wakiilka UNICEF oo ku hadlaysay afka hay’adaha Qaramada Midoobay ay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay qaranka u leedahay dejinta Siyaasadda Nafaqada iyo Sugnaanta Cuntada, iyadoo tilmaantay inay jid cusub u furayso horumarka ay Wasaaraddu ka gaadhay dhismaha iyo xoojinta nidaamyada caafimaadka.
Gabagabadii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xidhay kulanka, isagoo uga mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay diyaarinta siyaasaddan, isla markaana adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga lagu hirgelinayo si loo xaqiijiyo nafaqo wanaagsan iyo sugnaanta cuntada ee bulshada Somaliland.
Allah mahad leh
Abdishakuor Faahiye
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.