19/12/2025
Khudbadda Madaxweyne Ibraahiim Traoré
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burkina Faso
oo Ku wajahan Shucuubta Afrika
Walaalayaal, rag iyo dumarba, ee ku kala nool dhammaan qaaradda Afrika,
Waxaa la gaaray xilli taariikhi ah oo naga dalbanaya inaan si geesinimo leh u furno bog cusub oo ka mid ah taariikhda Afrika bog ay qoraan gacmaheenna, ay hogaamiyaan rabitaankeena, kuna saleysan midnimo, madax bannaani, iyo karaamo buuxda.
Aniga oo ah Ibraahiim Traoré, Madaxweynaha Burkina Faso, waxaan maanta si cad ugu dhawaaqayaa aragti iyo qorshe fog oo lagu mideynayo qaaraddeenna Afrika, si ay uga gudubto kala qeybsanaanta, una xorroobto ku tiirsanaanta shisheeye ee muddo dheer dib u dhigtay horumarkeena.
Waxaan ku baaqayaa in la aasaaso “Gobollada Midoobay ee Afrika” (United States of Africa) nidaam mideysan oo ay shucuubta Afrika ku wada noolaan doonaan hal masiir, hal aragti, iyo hal himilo.
Aragtidan waxay ku dhisan tahay:
Hal nidaam dowli ah oo ku saleysan caddaalad, isla xisaabtan, iyo matalaad dhab ah
Hal lacag mideysan, oo loo bixiyo Afro Money, si loo xoojiyo dhaqaalaha Afrika loogana madaxbannaanaado nidaamyada maaliyadeed ee dibadda
Hal baasaboor Afrikaan ah, kaas oo u oggolaanaya Afrikaan kasta inuu si xor ah ugu safro dhulkiisa, laga bilaabo cirifka Waqooyi ilaa kan Koonfureed, iyada oo aan la marin caqabado dal ku gal oo visa ah ama xannibaad aan loo baahnayn
Kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika ma ahaan doono mid ay ka faa’iideystaan kooxo kooban ama dano shisheeye, balse waxa si caddaalad ah loogu qaybin doonaa dhammaan shucuubta Afrika, si loo xaqiijiyo horumar loo wada siman yahay, loona hubiyo in aan la dayacin hal qaran ama hal qof oo Afrikaan ah.
Waa waqtigii aan si dhab ah u rumeysan lahayn in xooggeennu ku jiro midnimadeenna, isla markaana Afrika ay leedahay awood, karti, iyo hanti ku filan oo ay ku noqoto qaarad saamayn ku leh masiirka adduunka.
Afrika waxaa leh Afrikaanka.
Mustaqbalkeedana annaga ayaa leh.
Midnimo, karaamo, iyo madax-bannaani buuxda waa jidka aan dooranay.. 💪🇧🇫
Aadan media