Hoyga iftiinka Diinta TV

Hoyga iftiinka Diinta TV Ku soo dhawoow Hoyga Iftinka Diinta TV – waxaad ka heli doonta iftiiminta iyo barashada diinta Islaamka.

Muxaadarooyin diini ah oo faa’iido leh iyo Nabi Amaan qalbiga taabanaya. Waxaan u heellan nahay inan usoo bandhigno aqoon, wacdi dhiirigelin leh.

MAHADCELIN GAAR AHAnigoo ah Eng Abukar Sheik Abdi Muudey  Agaasimaha Guud ee Hoyga iftiinka Diinta TV iyo Musbaax Electr...
08/08/2026

MAHADCELIN GAAR AH
Anigoo ah Eng Abukar Sheik Abdi Muudey Agaasimaha Guud ee Hoyga iftiinka Diinta TV iyo Musbaax Electronics Company , waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Jaamacadda, Daha International University -DIU Maamulka Jaamacadda, Macallimiinta, Ardayda iyo dhammaan Marti-sharafta ka soo qayb-gashay munaasabadda qalin-jabinta.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Maamulka Jaamacadda dadaalka, hoggaaminta iyo juhdiga ay u galeen horumarinta waxbarashada iyo diyaarinta jiil aqoon iyo karti leh.
Sidoo kale, waxaan mahad iyo qadarin gaar ah u jeedinayaa Macallimiinta Jaamacadda, kuwaas oo dadaal badan, dulqaad iyo aqoon ku bixiyey sidii ardaydu u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh. Waxay mudan yihiin bogaadin iyo mahadnaq aan la soo koobi karin.
Waxaan sidoo kale si weyn ugu mahadcelinayaa Marti-sharafta iyo dhammaan intii munaasabadda nagala soo qaybgashay, kuwaas oo waqtigooda iyo joogitaankooda qiimaha leh nagu sharfay, farxaddana nala wadaagay.
Ugu dambayn, waxaan dhammaan idiinka mahadcelinayaa taageeradiinna, ducadiinna, hambalyadiinna iyo sida quruxda badan ee aad uga qaybqaadateen farxadda qalin-jabintayda.
Alle ha idinka abaalmariyo wanaagga, aqoonta iyo dadaalka aad bulshada u haysaan.
Mahadsanidiin dhammaantiin.
Abukar Sheik Abdi Muudey
Khaliif Abukar Sheik Abdi
Agaasimaha Guud
Hoyga iftiinka Diinta
Musbaax Electronics Co

MAHAD CELIN IYO HAMBALYOBismillaahi Raxmaani RaxiimMaanta waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan hambalyo iyo mahadcelin ...
08/08/2026

MAHAD CELIN IYO HAMBALYO

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Maanta waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan hambalyo iyo mahadcelin u jeedino Eng. Abukar Sheikh Abdi Mudey, munaasabadda qalin-jabintiisa ee uu ka qalin-jabiyay Jaamacadda Caalamiga Daha.

Ugu horrayn, waxaan Alle SWT uga mahadcelinaynaa inuu u suurageliyay Eng. Abukar inuu gaaro guushan qiimaha badan, kadib dadaal, sabir iyo juhdi uu geliyay waxbarashadiisa.

Waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa waalidkiisa, oo door weyn ka qaatay waxbarashadiisa iyo horumarkiisa. Ducadooda, taageeradooda iyo dhiirrigelintooda ayaa qayb weyn ka ahayd guushan maanta la gaaray.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa walaalihiis iyo dhammaan ehelkiisa, kuwaas oo mar walba garab iyo taageero u ahaa intii uu ku jiray safarkiisa waxbarasho.

Waxaan sidoo kale mahad iyo qadarin u jeedinaynaa Jaamacadda Caalamiga Daha, maamulka jaamacadda, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay dhismaha aqoonta iyo xirfadda Eng. Abukar.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda ay wada qalin-jabiyeen, iyo dhammaan saaxiibbadii iyo intii uu safarka waxbarashada la wadaagay. Waxaan Alle uga baryaynaa dhammaantood aqoon waxtar leh, mustaqbal wanaagsan iyo guulo isdaba joog ah.

Eng. Abukar Sheikh Abdi Mudey wuxuu sidoo kale leeyahay masuuliyado iyo hawlo uu bulshada ugu adeegayo, isagoo ah:

Agaasimaha Guud ee Hoyga Iftiinka Diinta TV

Sidoo kale waa milkiilaha:

MUSBAAX ELECTRONICS CO.
Ganacsi Guud – Iib & Farsamo

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu aqoontiisa, khibraddiisa iyo dadaalkiisa ugu barakeeyo, kana dhigo qof aqoontiisa iyo xirfaddiisa ugu adeega qoyskiisa, bulshada iyo dalkiisa.

Ugu dambayn, waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa Eng. Abukar Sheikh Abdi Mudey guusha qalin-jabinta, waxaana Alle uga baryaynaa inuu u furo albaabada guul, horumar iyo mustaqbal ifaya.

Hambalyo Qalin-jabin!

Hambalyo Eng. Abukar Sheikh Abdi Mudey!

Alle ha u barakeeyo aqoontiisa, dadaalkiisa iyo mustaqbalkiisa.

🌿𝗪𝗔𝗥𝗕𝗜𝗫𝗜𝗡 𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢 𝗤𝗔𝗟𝗜𝗡-𝗝𝗔𝗕𝗜𝗡🌿Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda ka qalin-jabisay Jaamacadda Caal...
06/08/2026

🌿𝗪𝗔𝗥𝗕𝗜𝗫𝗜𝗡 𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢 𝗤𝗔𝗟𝗜𝗡-𝗝𝗔𝗕𝗜𝗡🌿

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda ka qalin-jabisay Jaamacadda Caalamiga Daha,
kuwaas oo dadaal, dulqaad iyo karti ku soo dhammaystay heer muhiim ah oo ka mid ah waxbarashadooda.

Hambalyo gaar ah waxaan u diraynaa ardayda Kuliyadda Information Technology (IT), kuwaas oo mustaqbalka door weyn ka qaadan doona horumarka tiknoolajiyadda iyo adeegga bulshada.

Sidoo kale, waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa
𝗘𝗻𝗴. 𝗕𝗮𝘀𝗵𝗶𝗶𝗿, oo ah Hormuudka Kuliyadda IT, kuna suntan dadaalka, hagidda iyo garab istaagga ardayda, isagoo door muuqda ka qaatay tayeynta waxbarashada iyo kobcinta aqoonta.

Ugu dambayn, hambalyo iyo bogaadin gaar ah waxaan u diraynaa
𝗘𝗻𝗴. 𝗔𝗯𝘂𝗸𝗮𝗿 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗠𝘂𝗱𝗲𝗲𝘆, Agaasimaha Guud ee
Hoyga iftiinka Diinta TV Oo ka mid ah ardayda maanta guusha qalin-jabinta gaartay.

Waxaan Alle uga baryeynaa dhammaan ardayda qalin-jabisay inuu ku mannaysto cilmi nafci leh, camal suubban, iyo mustaqbal ifaya oo ay ugu adeegaan diintooda, dalkooda iyo dadkooda.

Hambalyo Qalin-jabin Wacan! Guul iyo Gobannimo ayaa idiin rajaynaynaa.

**🌿 JUMACA WANAAGSAN 🌿**Alle ha inaga yeelo kuwa ka faa'iidaysta fadliga maalinta Jimcaha.Aan badsanno:📖 Akhriska Suurat...
31/07/2026

**🌿 JUMACA WANAAGSAN 🌿**

Alle ha inaga yeelo kuwa ka faa'iidaysta fadliga maalinta Jimcaha.

Aan badsanno:
📖 Akhriska Suuratul Kahf
🤲 Ducada
🌹 Salaadda Nabiga ﷺ
🕌 Ka qaybgalka salaadda Jimcaha
💚 Xuska Alle (Dhikr)

اللهم اجعل لنا في هذا اليوم المبارك رحمةً ومغفرةً وقبولًا للأعمال.

Jumaca wanaagsan dhammaantiin
Iftiinka Diinta, Hagaha Nolosha
HOYGA IFTIINKA DIINTA TV

Booqo Youtube channelkena:
https://youtube.com/?si=YnAI9O6CIGAa5AtB

30/07/2026

🔴Live
🎥𝗧𝗢𝗢𝗦 MOWLACA AABOW MUCALLIM NUUR
📍SIIGAALE
🎤KHATINKA RAATIBYADA
📸 Hoyga iftiinka Diinta TV

28/07/2026

🎥 𝗧𝗢𝗢𝗦 Hoyga iftiinka Diinta TV
🎤 DAKIR. XASAN SUUFI
📸 Flash 🔙 SALAWAAD

26/07/2026
23/07/2026

🔴𝗪𝗔𝗥𝗕𝗜𝗫𝗜𝗡
Safarka Ziyaarada & Magaalo Diimeedka Huurshe Waxaa Maanta Gaaray Jamaacada Reer Aabow Mucallim Nuur Oo Uu Hugaminaayo
Khalif Cabdulaahi Cabdi Faarax (Qudbi yaroow) Si Ay uga Qaybgalaan Ziyaarada Sheikh Yuusuf Ibraahim Oo Ka Socota Degaankaas
https://youtu.be/PgPli-TEOKE?si=4gVFa2f2we6Z2rgc
🎥 Wariye Dayib Mahad Ahmed
Hoyga iftiinka Diinta TV
https://vt.tiktok.com/ZSXtS1rhh/

🔴𝗪𝗔𝗥𝗕𝗜𝗫𝗜𝗡       SAWIRRO Magaalo Diimeedka Huurshe Waxaa Maanta Gaaray Jamaacada Reer Aabow  Mucallim Nuur Oo Uu Hugamina...
23/07/2026

🔴𝗪𝗔𝗥𝗕𝗜𝗫𝗜𝗡 SAWIRRO
Magaalo Diimeedka Huurshe Waxaa Maanta Gaaray Jamaacada Reer Aabow Mucallim Nuur Oo Uu Hugaminaayo
Khalif Cabdulaahi Cabdi Faarax (Qudbi yaroow) Si Ay uga Qaybgalaan Ziyaarada Sheikh Yuusuf Ibraahim Oo Ka Socota Degaankaas

📷 Wariye Dayib Mahad Ahmed

🔴𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَWaxaan Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada Ahlu Suna Walj...
20/07/2026

🔴𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Waxaan Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada Ahlu Suna Waljamaaca uga tacsiyeeneynaa geerida ku timid Allaha Unaxariiste
𝗠𝘂𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗔𝗹𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻
Oo Ku geeriyooday Deegaanka Buulo Fulaay Oo Udhaw Deegaan Weynaha Af Gooye
Waxaan si gaar ah tacsi Ugu Tacsiyeeneynaa ehelka,qaraabada,Culimada iyo Dhammaan
Muslimiinta
GAAR AHAAN
Xerti & Jamacadii Uu Kabaxay
Eebe
Raxmadiisa iyo Raali Ahaanshahiisa Allaha siiyo 𝗠𝘂𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗔𝗹𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻

Walaalayaal Aan Uwada Duceyno
𝗠𝘂𝗰𝗮𝗹𝗹𝗶𝗺 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗔𝗹𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻

Address

Cairo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hoyga iftiinka Diinta TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hoyga iftiinka Diinta TV:

Shortcuts

Share